31 August, 2015

La-taliyaha Madaxweynaha ee Dhaqaalaha,Ganacsiga iyo Maalgashiga Mudane Axmed Carwo, iyo tacsida Marxuum Xaaji Daahir Cilmi

Tacsi Geerida marxuum Xaaji Daahir Cilmi Ducaale

La-taliyaha Madaxweynaha ee Dhaqaalaha,Ganacsiga iyo Maalgashiga Mudane Axmed Carwo, waxuu tacsi iyo murugo la qaybsanayaa shacab iyo xukuumadda Soomaliland guud ahaan geerida ku timid marxuum Xaaji Daahir Cilmi Ducaale. Waxuuna si gaar ah u tacsiyadeynayaa ehelka, ubadka, tafiirta, xaaska, qaraabada iyo qoyska reer marxuum Xaaji Daahir Cilmi Ducaale
Axmed oo ka waramaaya Marxuumku waxuu yidhi"waxuu ahaa nin aan cidi kaga horreyn dhismaha qarannimada Soomaliland, ilaa kifaaxii kicinta gumeysiga iyo dib ula soo noqoshada qarannimada Soomaliland. WAxuu ahaa haldoorka safka hore kaga jiray dhismaha dawladnimo ee Somaliland si gaar ah shirkii Boorame. waxuu ahaa nin taariikh badan u soo joogay oo waayo arag siyaasi iyo mid dhaqnba leh. Waxaan gaar iyana tacsida u dirayaa beelweynta Awdal ee uu ka soo jeeday Xaajigu.


Xaaji Daahir Alle ha u naxariisto hana ka yeelo kuwa dhaxla jannatul fardaws,  . Illaahay heyna waafajiyo inaynu u duceyno haldoorka inaga baxay. Ehel iyo asxaabna Alle ha waafajiyo samir iyo iimaan.

Axmed Xasan Carwo
La-taliyaha Madaxweynaha ee Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga
eci.advisor@gmail.com


https://www.facebook.com/aharwo

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: