08 September, 2015

Gudoomiye Cirro oo mar kale jebiyey xeer-hoosaadkii Wakiilada iyo Go’aamo hore Guurtidu u gaadheen

Gudoomiye Cirro oo mar kale jebiyey xeer-hoosaadkii Wakiilada iyo Go’aamo hore Guurtidu u gaadheen
Ujeedada shir jaraa’id berri Gud-xigeenada Wakiilada qabanayaan
Hargeysa- Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi (Cirro) ayaa mar labaad jebiyey xeer-hoosaadkii golaha wakiilada iyo shuruudo qeyb ka ahaa go’aamo golaha Guurtidu ku xaliyeen khilaaf hore u dhexmaray Gud-xigeenada Wakiilada iyo inta badan xildhibaanada wakiilada oo sababay in mooshin xil-ka-qaadis ay soo hordhigaan golaha wakiilada,  sannadkii hore.
Gudoomiyaha Wakiilada Cabdiraxmaan Cirro oo maanta qoraal uu dib ugu celiyey soo-jeedin ku saabsana  haamaha shidaalka u gudbiyey Madaxweyne Siilanyo ayaa la sheegay inuu yahay sharci-daro, isla markaana ka horimanayo nidaamka xeer-hoosaadka wakiilada iyo go’aamadii golaha guurtidu ku xaliyeen khilaaf hore u dhexmaray ku-xigeenka wakiilada iyo xildhibaanada intooda badan.
Gudoomiye-xigeenada koowaad iyo labaad ee golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax iyo Cali Yuusuf Axmed iyo inta badan xildhibaanada golaha wakiilada ayaa la sheegay inay si weyn u dhaleeceeyeen talaabada sharci-darada Gudoomiye Cirro gaar u qaatay, isla markaana shir jaraa’id ay kaga hadlyaan berri u ballansan yihiin.
Gudoomiyaha Wakiilada Cabdiraxmaan Cirro oo dhowaan wax laga weydiiyey qoraal Madaxweyne Siilanyo dib ugu soo celiyey wakiilada go’aan soo-jeedinta laalista heshiiska bixinta haamaha shidaalka Berbera ayuu ku sheegay in jawaabta ay ka bixinayaan u taalo golaha Baarlamaanka, ayaa qoraalkan uu gaarkiisa ugu celiyey la sheegayaa inay tahay mid Gudoomiye Cirro si muuqata ugu jebinayo xeer-hoosaadka wakiilada iyo qodobo ka mid ahaa go’aamadii golaha Guurtidu hore ugu xaliyeen khilaafkii wakiilada.
Golaha Guurtida oo dabayaaqadii sannadkii hore go’aan ka soo saaray khilaaf u dhexeeyey Gudoomiyaha Wakiilada iyo Ku-xigeenadiisa ayey ku cadeeyeen in khaladka uu leeyahay Gudoomiye Cirro, maadama uu wax ka bedel ku sameeyey go’aan golaha Wakiiladu gaadheen, markuu u soo gudbinayey golaha Guurtida, waxaana qodobadii dhexdhexaadintooda ka mid ahaa:
1.      Waxa waajib ku ah Gudoomiyaha Wakiilada inuu xildhibaanada wakiilada ku maamulo, kuna hogaamiyo dhexdhexaadnimo, isla markaana uu meelmariyo keliya go’aamada golahu aqlabiyad ku meelmariyo.
2.      Xeerka ka gudbaya golaha wakiilada ansixinta mudanayaasha ka dib, wa ain shir-gudoonku (Gudoomiyaha iyo labada ku-xigeen) isla hubiyaan intaanu gudbin ka hor.
Talaabadan sharci-darada ee manta uu gaarka u qaaday Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro ayaa la saadaalinayaa inay noqoto mid fursad u siisa in badan oo hunguri ka hayey hanashada kursiga ugu sareeya Wakiilada.  


http://samotalis.blogspot.com/

No comments: