06 December, 2012

Liiska 21-ka Xildhibaan Ee Golaha Deegaanka Berbera Ee Cusub Iyo Codadka Ay Ka Kala Heleen Axsaabtii Doorashadda Ku Loolamaysay

Liiska 21-ka Xildhibaan Ee Golaha Deegaanka Berbera Ee Cusub Iyo Codadka Ay Ka Kala Heleen Axsaabtii Doorashadda Ku Loolamaysay

Berbera, December 5, 2012 (Haatuf) – Guddida Doorashooyinka Degmadda


Berbera ee xarunta gobolka Saaxil ayaa si rasmi ah shalay ugu dhawaaqay Natiijadda hordhaca ah ee doorashadii deegaanka ee degmadaas iyo sidoo kale 21-ka Xildhibaan ee cusub ee iyagu u soo baxay golaha deegaanka degmadda Berbera. Sidoo kale Axsaabtii iyagu u tartamaysay doorashadii deegaanka ee 28-kii bishii hore ee November ka dhacday dalka ayaa waxay degmadda Berbera ugu kala guulaysteen Kuraasta deegaanka, Xisbul Xaakimka Taladda Haya ee Kulmiye ayaa ku guulaystay 9 Xidlhibaan Halka Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID uu isagu helay 5 Xidhibaan, Urur Siyaasadeedka Wadani ayaa isna helay 3 Xildhibaan, Urur siyaasadeedka Rays ayaa isna helay 2 Xildhibaan, Urur Siyaasadeedka UMADDA uu isagu urursaday 1 Xidhibaan, Urur Siyaasadeedka Xaqsoor ayaa isna ku guulaystay 1 kursi, halka uu urur siyaasadeedka Dalsan aanu wax kursi ah ka helin degmadda Berbera. Sida Guddidu Shaacisay 21-ka Xildhibaan ee Golaha deegaanka Berbera ka kooban yahay axsaabtu u kala heleen sidan:-

1. Urur Siyaasadeedka Ummadda 2139 Cod oo u dhiganta 1 Xildhibaan, kaas oo uu ku guulaystay Xildhibaan Maxamed Cali Xaji Axmed.


2. Xisbiga UCID ayaa helay 10929 Cod oo u dhiganta 5 Xildhibaan oo iyaga la yidhaahdo Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Cidin), Iid Saleebaan, Muuse Daa’uud Cilmi, Saleebaan Cali Khayre iyo Cabdirashiid Maxamed Xaaji Yuusuf.


3. Xisbul Xaakimka Kulmiye ayaa isagu urursaday Codad dhan 17261 cod oo u dhiganta 9 xildhibaan, kuwaas oo kala noqday Maayarka wakhtigan ee degmadda Berbera Cabdale Maxamed Carab, Rashiid Aadan, Xaaji Nuur Cawl, Cali Cabdi Dheere, Mustafe Xoolow, Daahir Aw-nuur, Maxamud Cabdilaahi Bidhiidh, Jamac Samatar Hakida, Rashiid Haaruun.


4. Urur Siyaasadeedka DALSAN ayaa isna helay 680 Cod wax Xildhibaan ahna kamuu ku helin degmadas.


5. Ururka RAYS ayaa isna helay 3853 cod oo u dhiganta 2 Xildhibaan oo magacyadooda la kala yidhaahdo Ismaaciil Xaamud, Maxamud Maxamed Hurre.


6. Ururka Waddani ayaa isaguna degmadda Berbera ka helay 6272 cod oo u dhiganta 3 Xildhibaan Oo kala ah Baashe Cabdilaahi, Maxamud Cabdilahi Fiiqay iyo Cabdiraxmaan Xuseen.


7. Urur Siyaasadeedka Xaqsoor ayaa helay isna 2123 Cod oo u dhiganta 1 Xildhibaan oo magaciisa la yidhaado Aadan Axmed Cali.
http://samotalis.blogspot.com/

No comments: