16 June, 2015

TACSI KA TIMID LATALIYAHA MADAXWEYNAHA JSL EE DHAQAALAHA,GANACSIGA IYO MAALGASHIGA GEERIDA Marxuum Suldaan Maxamed Xasan Ibraahim

TACSI KA TIMID LATALIYAHA MADAXWEYNAHA JSL EE DHAQAALAHA,GANACSIGA IYO MAALGASHIGA
GEERIDA Marxuum Suldaan Maxamed Xasan Ibraahim


La-taliyaha Madaxweynaha JSL  ee Dhaqaalaha, ganacsiga iyo Maalgashiga Mustashaar Axmed Xasan Carwo waxa uu tacsi u dirayaa, Sulaadiinta, iyo oday-dhaqmeedka kale iyo guud ahaan shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid alle ha u naxariistee Marxuum Suldaan Maxamed Xasan Ibraahim oo ku geeriyooday Hargeysa 16/06/2015. Waxuuna si gaar ah u tacsyadeynayaa reerka uu Suldaanka u ahaa.

waxaanu  tacsi taasi la mida u dirayaa Qoyskii, Ehelkii, Qaraabadii, iyo Asxaabtii uu ka baxay Alle ha u naxaristee Marxuumku,
Suldaanku waxuu ahaa  tiir ka baxay hogaanka dhaqanka kana soo shaqeeyey  nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka, iyo ganacsade weyn oo qayb muuqata ka qaatay horumarka dhaqaale ee dalka.

Mustashaar Axmed Carwo waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, qabriga u waasiciyo oo uu u nuuro.  Innagana dhammaan ina waafajiyo duco iyo samir.

https://www.facebook.com/aharwo?ref=hl

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: