24 June, 2015

TACSI KA TIMID LATALIYAHA MADAXWEYNAHA JSL EE DHAQAALAHA,GANACSIGA IYO MAALGASHIGA

TACSI KA TIMID LATALIYAHA MADAXWEYNAHA JSL EE DHAQAALAHA,GANACSIGA IYO MAALGASHIGA
Geerida Marxuum Maxamuud Axmed Barre (Garaad)

La-taliye Mustashaar Axmed Xasan Carwo waxuu tacsi u dirayaa siiyaasiinta, Guurtida reer Awdal iyo guud ahaan golayaasha qaranka iyo shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid alle ha u naxariistee Marxuum Maxamuud Axmed Barre oo ku geeriyooday Hargeysa 24/06/2015.,

waxaanu  tacsi taasi la mida u dirayaa Qoyskii, Ehelkii, Qaraabadii, iyo Asxaabtii uu ka baxay Alle ha u naxaristee Marxuumku,
Marxuumku waxuu ahaa  tiir ka baxay hogaanka siyaasadda qaranka kana soo shaqeeyey  nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka, isagoo xilal waweyn soo qabtay kana mid ahaa guurtida intaanu ku soo biirin Golaha Wasiirada oo uu ahaa Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Qoyska. Waxuu Maxamuud Axmed ahaa siyaasi ruug cadda ah oo meesha uu joogaba ka muuqda.

Mustashaar Axmed Carwo waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, qabriga u waasiciyo oo uu u nuuro.  Innagana dhammaan ina waafajiyo duco iyo samir.

https://www.facebook.com/aharwo?ref=hl

Temp: 00966 530834114

Sent from Samsung tablet



http://samotalis.blogspot.com/

No comments: