15 June, 2015

La-taliyaha Madaxweynha ee Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga Mudane Axmed Carwo wuxuu Tacsi ka dirayaa geerida Marxuum Suldaan Xiis Barre

La-taliyaha Madaxweynha ee Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga Mudane Axmed Carwo wuxuu Tacsi ka dirayaa geerida Marxuum Suldaan Xiis Barre



La-taliyaha Madaxweynha ee Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga Mudane Axmed Carwo wuxuu Tacsi u dirayaa Shacabka Somaliland Gaar ahaana qoyskii iyo eheladii, salaadiinta, bulshaweynta uu Suldaanka u ahaa oon ka mid ahay, degtana degmooyinka Gobalka Maroodijeex, Saaxil iyo Lughaya ,isagoo ka tacsiyadaynaya Geeridii Naxadinta leh ee ku timid Marxuum Suldaan Xiise Barre yuusuf oo 13/06/2015 si qarannimo ah loogu aasay Hargeysa. 

Waxuu ahaa Suldaan gacan, hoo iyo talaba ku lahaa halgankii SNM, Mujaahid geesinimo kaga qayb galay oo qoriga tunka saaray,, aftahan cidda uu taageera ku raaxaysato hadalkiisa, cidda uu ka soo horjeedaana dhibsato. Nin hadal cad oon gabashada aqoon. Waxaan ku xusuusan doonaa dhacdooyin dhowr ah oon u soo joogay iyo ereyadii aan cid kale odhan karayn ee isagu isu xilqaamay.

Ubadka, Tafiirta, Ehelka, Qaraabada, Asxaabtiisii,dhamaan Shacabka Somaliland gaar ahaan degaankiisa Maroodi jeex iyo gobalada ku qabsan, Illaahay ha waafajiyo Samir, iimaan; iyo duco, Marxuumkana Illaahay ha huwiyo naxariistiisa hana ku abaal mariyo Jannatul Fardaws.  Aaamiiiin


Ahmed Hassan Arwo
La-taliyaha Madaxweynaha JSL
Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga

Temp: 00966 533454981
Saudi Arabia

https://www.facebook.com/aharwo?ref=hl

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: