03 June, 2015

Geerida Mujaahid Cabdi Naano iyo Wixii aan ka Ogaa Halgankiisa Maalmihii Qadhaadhaa!

Geerida Mujaahid Cabdi Naano iyo Wixii aan ka Ogaa Halgankiisa Maalmihii Qadhaadhaa!

Inaa Lilaahi wa Inaa Ileyhi Raajicuun

Marka hore waxaan Tacsi u dirayaa Qoyska, Qaraabada, iyo Ummada Somaliland ee uu Shalay ka baxay Allah Naxariistii Janno ha ugu deeqee Marxuum Cabdi Cismaan Aw Cali oo ku magac dheeraa Cabdi Naano oo uu maanta Dhagarqabe ka xaq darani uu ku dilay Nawaaxiga Masalaha ee magaalada Hargeysa.

Marxuumku waxa uu ahaa Geesi ka soo qayb qaatay halgankii qadhaadhaa ee shacbigeenu uu kula jiray Xukuumadii Haligantay ee Maxamed Siyaad Barre uu hormuudka u ahaa. Waxaan jecelahay inaan halkan wax yar ku xuso taariikha kooban iyo aqoonta aan u lahaa marxuumkaas.

Qiyaas ahaan waxay ahayd billihii u horreeyay ee Sanadkii 1989kii, waxaana aan markaas ka mid ahaa Ciidan SNM ah oo ku sugnaa deegaanka Maygaagaha ee koonfur/Hawd kaga beeggan xeridii Qaxootiga ee Biyoxidheenka la odhan jiray, xeraadaas oo wax yar xagga Bari ka xigta magaalada Hargeysa, dhinacana ku haysa meesha loo yaqaan Halleeya. waxaa goobtaas Maygaagaha fadhiyay Ciidankii SNM Qaybta Saddexaad, waxaanay ahayd ka hor intii aan la samaynin Guutadii Koodbuur, iyada oo aanu Maygaagaha ku suganahay oo ay tahay goor Casar ah oo ay Cadceedu gaaban tahay ayay Gaadhi Xamuul ah oo noo yimi ay ka soo degeen Marxuum Cabdi Naano iyo Saaxiibkii oo ay wada socdeen oo la odhan Maxamed Maxamuud Warsame oo ku magac dheeraa “Casay”. Allah ha u naxariistee, Gaadhigaasi waxa uu ka yimi Xeradii Qaxootiga ee Kaam-Abokor ee ku taallay gudaha Dalka Itoobiya oo ay ku sugnaayeen Qoxooti tiro badan oo ka soo qaxay dagaaladii Dhulkeena ka qarxay sanadkii 1988kii.

Allah ha u Naxariistee waxay markaasi ahayd Aragatidii iigu horreysay ee aanu kulano Cabdi Naano iyo saaxiibkii Maxamed Casey, Hase yeeshee waxaan markiiba ogaaday inuu Cabdi Naano ka mid ahaa Ardaydii ka qalin jabisay dugsiga sare ee Maxamuud Axmed Cali ee magaalada Hargeysa oo markii SNM ay soo gashay Hargeysa uu qoriga qaatay oo halgankii ka qayb qaatay, kuna dhaawacmay, ka dibna uu in muddo ah dhaawaca ka soo kabanayay, galabtaasna uu u yimi inuu Halganka sii wado markii uu bogsaday.

Deegaanka Maygaagaha ee aan ku sugnaa waxa uu xiligaas ahaa ka guuraa aanay reero badani degenayn oo laga hayaamay, waxaana jihada Waqooyi ka kulaalayay Ciidankii Dawlada ee Teedsanaa goobihii ay ka midka ahaayeen magaalada Hargeysa , Xeradii Biyoxidhka, Xeradii Dararweyne iyo nawaaxiga ku xeeran, waxaana jiray weerraro goos-goos ah oo labada dhinac ay isku qaadaan, laakiin muu socon dagaal weyn oo joogto ahi, Ciidamada Dawladu waxay ku jireen Magaalooyinka waaweyn gudahooda, Ciidamada jabhaduna waxay ahaayeen kuwa dul jooga oo aan ka fogayn magaalooyinka waaweyn.

Allah ha u Naxariistee Marxuum Cabdi Naano oo markaas kasoo kabtay dhaawaca Hargeysa ka soo sanadkii 19988kii waxa uu markiiba ka qayb qaatay dagaalo kala duwan oo uu mar walba geesinimo ka muujin jiray oo aynaan halkan dhamaantood ku xusi karin, balse aynu soo qaadano Dagaalkan Taariikhiga ah ee ka dhacay Xaruntii SNM ee Balligubadle oo uu Cabdi Naano ku Dhaawacmay, Saaxiibkii Maxamed Case na uu ku dhintay Allah qabrriga ha u nuuree.



Dagaalkii Bali Gubadle; Geeridii Muj: Casey iyo Dhaawiicii Muj: Cabdi Naano !



Galabtii Qadhaadhayd ee ay Ciidamadii Dawlada Siyaad Barre gacanta ku dhigeen Magaalada Balli-gubadle oo ahayd Xaruntii Almis ee Xoogaga Wadaniga Soomaaliyeed ee SNM saldhiga u ahayd ayaa goor galab ah anaga oo ku sugan Tuulada Dabo-Bahal oo Hargeysa dhinaca Koonfur Bari kaga toosan deggan oo ay Ciidanku Qamadidoodii karsanayaan ayaa waxa noo yimi Gaadhi yar oo uu Toyoto ah oo uu saarnaa qori B10 ah oo uu la socday Muj. Axmed Koosaar Tarabi oo ku magac dheer Siiraanyo, imikana ah Gaashaanle ka tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland, waxaana la socday nin la odhan jiray Xaashi, iyada uu gaadhigaas darawal ka ahaa nin lagu magacaabi jiray Cadaani Allah ha u Naxariistee , waxaana ay nagu wargaliyeen in Xaruntii Balligubadle ay gacanta u gashay Ciidamadii Nacabka ahaa ee naxariista darnaa ee dawlada oo uu hogaaminayay Jen. cabdicasiis Cali Barre oo runtii ahaa Janaraal dagaal yahan ah oo Xarrago dagaalami jiray, kana duwanaa oo ka dhaqan fiicnaa taliyayaashii Ciidanka Dawlada ee shicibka xasuuqi jiray.

Allah ha u Naxariistee Waxaa dagaalkaas nagaga dhintay tiro door ah oo Ciidankayaga ka tirsanaa oo uu ka mid ahaa Maxamed Maxamuud Warsame (Casay) oo ay Cabdi Naano saaxiib lilaahi ahaayeen, maalintii ay Maygaagaha noogu yimaadeena ay wada socdeen, waxa kale oo ku dhaawacmay Cabdi Naano oo ay rasaastii cadawgu garabka ka cuskatay, Mujaahidiinta kale ee SNM ee ka tirsanaa Guutada Koodbuur ee halkaas nagaga dhintay waxaan ka xasuustaa laba Mujaahid oo la kala odhan jiray Cabdilaahi Wadaad iyo Cismaan Garac waxaa kale oo ku dhintay Muaajhidiin badan oo ka tirsanaa guutadii Tobnaad ee Sancaani iyo dadkii deegaanka Balligubadli, iyo waliba aqoonyahan sare Cali Action oo ahaa sarkaal Waxbarashada ka tirsanaa.dhamaantood Allah ha u naxariistee.

Allah ha u Naxariistee Cabdi Naano markii uu dhaawaca ka bogsaday hadana sidii caadada u ahayd waxa uu mar kale iska soo xaadiriyay xeradii ciidanka, waxaana uu sii waday kana mid ahaa ururkii SNM ilaa Dalka Hooyo laga sifeynayay xukuumadii Haligantay ee Maxamed Siyaad Barre uu Madaxda ka ahaa.

Marxuum Cabdi Naano waxa uu ahaa Geesi aan libiqsan oo aan marnaba ka gaban Xabada, naftiisana u huray Xoreyntii dalkiisa.

Allah ha u naxariistee Marxuumku waxa uu sidoo kale ka mid ahaa Geesiyaasha dalkooda hooyo usoo shaqeeyay mudadii ay Somaliland jirtay, waxaana uu ka soo shaqeeyay xilal kala duwana uu kasoo qabtay Wakaalada Biyaha hargeysa, Laanta Socdaalka, Somaliland, Wasaarada Caafimaadka Somaliland iyo meelo kale oo badan.

Waxa Marxuumka aan qaddar saacado ah la fadhiistay oo aan la sheekaystay muddo Bil iyo Badh ka hor ah oo aan kula kulmay meel ka soo horjeeda Huteelka Casablanca ee ku yaalla Jidka loo sii maro Madaarka Hargeysa.

Allah waxaan ka baryayaa inuu Marxuumka u Naxariisto, Ehelada, iyo Asxaabta uu ka tegayna uu Samir iyo Iimaan ka siiyo, waxa kale oo aan ku rajoweynahay in Dhagarqabihii Dilka geystay degdeg cadaalada loo horkeeni doono.

Fiiro-gaar ah; Li-tacaarafuu… ( Allah ha u naxariistee Marxuum Maxamed Maxamuud Casey waxa uu qolo ahaan ahaan Habar-Jeclo hooyadiina waxay ahayd Ciidagale oo waxa la odhan jiray Dahabo aw Daauud, waxaana uu ahaa nin dhalinyaro ah, Geesi ah oo akhlaaq fiican oo reer Hargeysa ahaa, kuna dhintay dagaalkii Balligubadle, halka uu Saaxiibkii Cabdi Naano u ahaa qabiil ahaan Ciidagale/ Abokor Muuse) Allah labada Marxuumba ha u naxariisto. Aamiin.

Amb. Kaysar Cabdilkaahi Maxamed


http://samotalis.blogspot.com/

No comments: