27 January, 2014

Golaha Wakiilada Somaliland Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Meelmariyey Xeer-Hoosaad Hoos U Dhigaya Ama Dhimaya Awoodaha Gudoomiye-Xigeenada Golaha +Habmaamuska Qaabka Fadhiga Golaha.

Golaha Wakiilada Somaliland Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Meelmariyey Xeer-Hoosaad Hoos U Dhigaya Ama Dhimaya Awoodaha Gudoomiye-Xigeenada Golaha +Habmaamuska Qaabka Fadhiga Golaha.

Golaha wakiilada Somaliland oo cod aqlabiyad ah ku meelmariyey xeer-hoosaad hoos u dhigaya ama dhimaya Awoodaha Gudoomiye-xigeenada Golaha +Habmaamuska iyo qaabka fadhiga golaha.

Hargeisa-Xildhibaanada Golaha wakiilada Somaliland ayaa saaka aqlabiyad ugu codeeyay xeer-hoosaadkii golaha oo wax ka bedel iyo kaabis lagu sameeyay kaas oo hoos u dhigayaa awoodii Gudoomiye-xigeenka Koowaad iyo labaad ee Golaha.

Xeer-hoosaadkan saaka la ansixiyey ayaa wax ka bedel ku sameynaya qaabka iyo hab-maamuuskii hore ee fadhiga golaha wakiilada iyo magacii shirgudoonka Golaha. Yeelkeede intii aan cod qaadistu bilaabmin ayaa waxaa degdeg Albaabku u boobay oo fadhigaas debeda uga booday Gudoomiye ku xigeenka Koowaad Baashe Muxumed Faarax iyo Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Cali Xaaji Yuusuf oo cadho iyo dhidid waaweyni wejiyadooda ka qubanaayo kuwaas oo eeday Qasriga madaxtooyadu oo dhawaan Tuul ahaan u isticmaalay,markay fashilmeena cawda u jaray,kuwaas oo Golaha dhexdiisa ka noqday Tukeyaal baal cad oo aan laga jeclayn.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ayaa cod geliyey Xeerkaa,waxaana u codeeyay 42 Xildhibaan,waxaana diiday 8 Xildhibaan,waxaana ka aamusey 4 Xildhibaan.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo lifaaqnay Qodobada muhiimka ah (Qodobka 10 iyo 32 ) ee ku jira Xeer Hoosaadka la ansixiyey ee faahfaahinaya qaabka iyo nidaamka fadhiga golaha marka lagu daro hab-maamuska labada gudoomiye ku xigeen oo uu hoos u dhigay.

Waana kuwan labadii Qodob ee ka boggo


Qoddobka 32aad: Nidaamka fadhiyada Golaha

1. Marka la fadhiyo Golaha waxaa xubnaha hortooda fadhiisanaya:

a) Guddoomiyaha

b) Labada Guddoomiye ku xigeen oo is bar bar fadhiya

c) Xogahayaha Guud iyo xoghaye ku-xigeenka oo is bar bar fadhiya

d) Hadal qoraalayaasha

e) Madaxda Golaha Martida u ah

2. Guddoomiyuhu waxa uu fadhiisanayaa faloorka sare qaybtiisa u saraysa keligii

3. Labada Gudoomiye ku-xigeena waxay is bar bar fadhiisanayaan Guddoomiyaha hortiisa, halkaas oo ka hoosaysa kuna beegan madasha uu fadhiyo Guddoomiyuhu

4. Xoghayaha Guud iyo ku-xigeenkiisa waxa ay fadhiisanayaan labada Guddoomiye ku-xigeen bidixdooda

5. Shaqaalaha hadal qoraalku waxay fadhiisanayaan halka ugu hoosaysa ee ka soo horjeeda kuraasta mudanayaasha

6. Madaxda qaranka iyo kaaliyayaashooda oo aanu ku jirin Madaxweynaha /Madaxweyne ku xigeenku kuwaas oo lagu casuumay Golaha waxa ay fadhiisanayaan midigta labada Guddoomiye ku-xigeen

7. Madaxweynaha / Madaxweyne ku-xigeenka haddii ay yimaadaan Golaha waxa ay fadhiisanayaan Guddoomiyaha dhiniciisa Midi goo ah faloorka sare qaybtiisa u saraysa

8. Guddoomiyaha Guurtiddu wuxuu fadhiisanayaa kursiga Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda, Guddoomiyaha Golaha Wakiiladduna waxa uu ka fadhiisanayaa dhinaca midigta marka ay jiraan fadhiyada wadajirka ah ee labada Gole

9. Guddoomiye ku xigeenada Golaha Guurtiduna waxay bar bar fadhiisanayaan Guddoomiye ku xigeenada Golaha Wakiiladda kuwaas oo fadhiya faloorka ka hooseeya kuna beegan halka ay labada guddoomiye fadhiyaan.

Qoddobka kale waa ka 1oaad: Xil-waayida Guddoomiyaha iyo ku-xigeenadiisa oo u qoran sidan:-

1. Guddoomiyaha Golaha iyo labadiisa ku-xigeen waxay xilka ku waayi karaan arrimaha soo socda:
Geeri
Istiqaalo qoraal ah oo uu u soo gudbiyo Golaha.
Maqnaansho cudur daar la’aan ah oo gaaraya 45 cisho oo isku xigta
Ku xad gudub shareecada islaamka, Dastuurka Qaranka, Xeer Hoosaadka Golaha ama shuruucda Qaranka
Xilk gudasho la’aan joogta ah
Dhimirkiisa oo wax u dhiman (waali, taasoo loo baahan yahay in uu soo cadeeyo guddi dhakhaatiir ah oo la aqoonsan yahay luguna kalsoonyahay
Caafimaad daro joogta ah ama awood beelid uusan xilka la gudan Karin, taasoo loo baahan yahay in uu soo codeeyo guddi dhakhaatiir ah, oo la aqoonsan yahay laguna kalsoon yahay
Xukun kama danbays ah ay ku riday maxkamadda awood u leh oo uu ku mutaysanaayo xabsi aan ka yaran lix bilood

2. Mooshinka xil ka qaadista Guddoomiyaha iyo labada ku-xigeen kuna salaysan asbaabaha ku xusan Faqrada 1aad, xarfaheeda c,d,e, waxaa keeni kara xidlhibaano aan tiradoodu ka yarayn saddex meelood meel (1/3) tirada guud ee Golaha. Codka xil ka qaadista wuxuu ku ansaxayaa aqlabiyada saddex meelood laba meel (2/3) ee xubnaha guud ee marka laga reebo xubnaha banaa-naanshahooda la baahiyey.

3. Soo jeedin Mooshin xil ka qaadis eek u aadan guddoomiyaha/Ku-xigeenadiisa waa inuu ahaadaa mid sababaysan oo ku salaysan sharciga

4. Mooshin xil ka qaadista waxaa laga doodayaa laguna codaynayaa (3) maalmood gudahood oo maalmo shaqo ah, kamana yaraan 24 saacadood gudahood laga bilaabo taariikhda la keenay Golaha

5. Haddii Mooshin xil ka qaadis laga keeno Guddoomiyaha Golaha, waxa fadhiga loogu codeynayo hogaaminaya Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ama 2aad kolba kii jooga.



6. Haddii Guddoomiyaha iyo ku-xigeenadiisa isku mar kaliya laga keeno mooshin ah xil ka qaadis waxaa la marayaa talaabooyinka soo socda:
Guddoomiyaha ama ku-xigeenada laga keenay soo jeedinta (Motion) xil ka qaadida waa in laga wareejiyo guddoominta fadhiyada inta ay ka dhamaanayso arrinta la xidhiidha soo codaynta waxaana fadhigan guddoominaya mudanaha ugu da’da weyn. Codayntuna waa Qarsoodi

Haddii Guddoomiyaha ama Guddoomiye ku-xigeenadu lumiyaan xilka, si waafaqsan qodobka 10aad ee xeer hoosaadka Golaha, Goluhu waxa uu muddo toddoba maalmood ah gudahood ku dooranayaa Guddoomiye ku-xigeenada cusub

7. Haddii Guddoomiye ku-xigeenadu (GX/1aad & G/x/2aad) isu sharaxaan xilka Guddoomiyaha markay banaanaato, waa in ay u soo gudbiyaan iscasilaada Guddoomiyaha fadhiga, Goluhuna ka ogolaado.


http://samotalis.blogspot.com/

No comments: