10 November, 2013

Kumuu ahaa Aabbaha Xorriyatal-Qawlka Somaliland – W/Q. MM Kastan

Kumuu ahaa Aabbaha Xorriyatal-Qawlka Somaliland – W/Q. MM Kastan





Marxuum Maxamuud Cabdi Shide, waxa uu sannadkii 1948 ku dhashay magaalada Hargeysa. Barashada Qur’aanka waxa uu ku dhammaystay Madarasaddii Sheekh Ibraahim Baraawe,


oo ku taalla badhtamaha magaalada Hargeysa. Markii uu dhammaystay barashada Qur’aanka Kariimka ah, Marxuumku waxa uu gudo-galay Waxbrasada ‘heerka hoose iyo dhexe, waxaanu galay Dugsigii Farsamada gacanta ee lagu magacaabi jiray Trades-ka ee magaalada Hargeysa. Marxuum Maxamuud Cabdi Shide, markii uu dhammaystay waxbarashadii heerka hoose iyo dhexe, waxa uu u gudbay waxbarashada dugsiga sare, waxaanu sannadkii 1965 tacliinta dugsiga sare ka bilaabay dugsigii sare ee Camuud.

Marxuumku isaga oo aan weli dhammaysan tacliinta Dugsiga sare ayuu ka mid noqday shaqaalihii Baankii Soomaaliyadii hore sannadkii 1968, kadib markii uu kaalinta kowaad ka galay imtixaankii loogu tartamayay jagooyinka shaqo ee baankaas, markaas kadibna isaga oo shaqadiisa wata ayuu sii anbaqaaday dhammaystirka waxbarashadiisii dugsiga sare, oo uu dhammaystay sannadkii 1969.



Illaahay ha u naxariistee, Marxuumku markii uu muddo saddex sano ah ka shaqaynayay Baankii Soomaaliyadii hore ayuu goostay in uu iskaga tago shaqadaas, kadib markii uu saluugay qaabkii maamul ee taliskii Barre. Sidaa aawadeedna waxa uu sannadkii 1971, joojiyay shaqadii uu ka hayay Baankaas laantiisii Kismaayo oo uu xilligaa ka hawlgeli jiray, isla wakhtigaana waxa uu safar lug ah kaga gudbay xuduudda, isaga oo u sii gudbay dalka Kenya, halkaas oo uu muddo kooban markii uu ku ahakaday uu uga sii gudbay dalalka kale ee Bariga Afrika, sida Ugandha, Tansaniya iyo Suudaan, oo uu guud ahaan ku noolaa muddo laba sannadood ah. Sannadkii 1973, ayaa Marxuumku u dhoofay dalka Boqortooyada Sucuudi Careebiya, halkaas oo uu ku qaatay dhalashada Boqortooyada Sucuudiga, kana bilaabay aasaaska shirkado waaweyn oo ganacsi oo caan ka ahaa dalkaas, kuwaas oo dhisay qaar badan oo ka mid ah jidadka waaweyn iyo dhismayaasha Boqortooyadaas.

Sannadihii 1975 ilaa 1980, waxa uu Marxuumku waxbararasho sare oo Jaamacadeed ku soo kala qaatay dalalka Maraykanka iyo Hindiya. Markii uu ka soo laabtayna waxa uu sii ballaadhiyay ganacsigiisii, waxaanu ku baahiyay dalalka kale ee Khaliijka qaarkooed, sida Baxrayn, oo uu 1985 ilaa 1986 ku sugnaa. Sannadkii 1987-na waxa uu u soo digo-rogtay dalka Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu muddo sannad ah ka shaqaynayay, isaga oo ahaa madaxa sare ee shirkad kuwa batroolka baadha ah, oo hawlo baadhiseed ka waday gobo ka mid ah dalkaas.

Wakhtigii Halgankii SNM:

Qof kasta oo bani-aadam ahi waxa uu leeyahay dareen iyo shucuur haga himadiisa iyo higsiga noloshiisa, muujiyana afkaartiisa iyo fikirkiisa qofnimo ee iftiiminaya waxa uu aaminsan yahay iyo waxa uu diidan yahay, sidaaas darteed waxa uu Marxuum Maxamuud Cabdi Shide ahaa halyay ku adag mabda’iisa, oo aan al gaban afkaartiisa, taa waxa ka marag-furaya badheedhihiisii qofnimo ee wakhtigii halganka. Tan iyo markii la aas-aasay Ururka SNM sannadkii 6 April 1981 iyo kahor, waxa uu Marxuumku u ololayn jiray sidii shacbiga reer Somaliland looga tuuri lahaa heeryaddii taliskii Maxamed Siyaad Barre, waxaanu si joogo ah dhaqaale laxaad leh ugu bixin jiray hirgelinta xarakadii ciidan ee SNM, waxaanu si joogto ah u iman jiray xeryihii Ciidamada Mujaahidiinta SNM ku lahaayeen Bariga Itoobiya, markii la gaadhay wakhtigii gudagalka ee mujaahidiinta SNM dagaalka ku soo galeen magaalooyinka Hargeysa iyo Burco, may 1988, waxa uu Marxuumku ka mid ahaa Mujaahidiintii tirada yarayd ee u soo badheedhay in ay waajahaan taliska ciidamadii Qaybtii 26aad ee Taliskii Faqashta u fadhiyay Gobolada Somaliland, gaar ahaan waxa uu ka mid ahaa saamigii mujaahidiinta SNM ee oo soo qoondeeyay dhinaca Hargeysa in ay waajahaan, kuwaas oo May 31, 1988, abaaro 2:00 habeenimo iyaga oo tiro yar, balse tayo badan, sida hilaaca u dul maray Ciidamadii Faqashta ee Hargeysa gees kastaba ka yuururay. Allaah ha u naxariistee, Marxuum Maxamuud Cabdi Shide, wakhtigaas waxa uu sitay qori ka tiiro dheer, qoryaha ay siteen Mujaahidiinta kale ee ay dirirta xorraynta dalkooda hooyo isu barbar jiifsadeen. Waxa laga yaabaa in qofkastaaba is-weydiiyo qorigaa cajiibka ahi muxuu ahaa? Qoryaha baaruuda rasaasta qarxiya ee ay ka dhacdo mid yar iyo mid wayn toona maahee, qorigaas uu Marxuumku sitay waxa uu ahaa Kamara Video.

June 1988, Illaahay raxmadiisa ha ugu deeqee, Marxuum Maxamuud Cabdi Shide, waxa uu duubay cajalad muujinaysa muuqaalka diyaaradihii faqashta ee ka kacay Madaarka Hargeysa, oo duqaynaya isla magaalada Hargeysa, sidaasna wax auu ku noqday qofkii ugu horreeyay ee caalamka u bandhiga muuqaalka dhabta ah ee Hargeysa waagaas duqayntii diyaaradaha iyo garaacista madaafiicdu isu beddelayeen. Cajaladaas oo xambaarsanayd muuqaalo kale oo badan oo ay ka mid ahaayeen sawiro xaqiijinayay sida Taliskii Barre dagaalkaas ugu isticmaalay gargaarkii caalamku ugu deeqay Soomaaliyadii hore, waxa ay gaadhay aqalka kongaraska Maraykanka, doodo iyo dacwado ka dhashay kadibna waxa Maraykanku uu Taliskii Barre ka joojiyey deeqdii uu siin jiray. Waxa kale oo uu Marxuumku xilligaas duubay cajalado badan oo kale oo dhammaantoodba lagu baahiyay dunida, kuwas oo astaan u ahaa xasuuqii, dilkii, dhacii, duqayntii, qaxii, baro-kacii iyo dalan-doolkii maatada.

WAKHTIGII GOONI-ISU-TAAGGA IYO YAGLEELIDA DOWLADNIMO:

Illaahay ha u naxariistee, Marxuum Maxamuud Cabdi Shide, marki uu dhammaaday dagaalkii dib-u-xorraynta ee Jamhuuriyadda Somaliland gaarkeeda isu taagtay, waxa uu bilaabay olole dib loogu soo noolaynayay adeegii guud ee burburay, laguna adkaynayay madax-bannaanida qaranimo ee curdinka ah. Waxa uu taageero xoog leh oo maaliyadeed u fidiyay Xukuumadda Somaliland, waxa uu markii u horraysay ku dhiiraday in uu dalka keeno qalab daabacadeed oo casri ah (madbacad), sannadkii 1995, isaga oo aan eegin xaaladdii nabadgelyada dalka, taasi waxa ay mugdiga ka saartay oo dhidibhada u taagtay saxaafadda Somalilnad oo markaas ku soo bixi jiray qalab bidaa’I ah. Sidaana waxa ku abuurmay shirkadda NPP ee soo saari jirtay Wargeyska Jamhuuriya, oo noqday wargeyskii u horreeyay oo ku soo baxa daabacadda casriga ah, lana mid noqda jaraa’idka kale ee dunida. Tallaabadaas uu Marxuumku qaadayna waxa ay keentay in lagu yara dhiirado in dalka qalab klae la keeno, “Muddo 3 bilood ah ayuu igu lahaa waxaan soo iibinayaa madbacad oo waxaan furayaa wargeys madax bannaan. Waxaan ugu jawaabi jiray waar waxaa iska dhaafoo ama Markab soo iibso ama baayac-mushtaree oo xoolaha dhoofi, laakiin maantaan gartay wixii uu arkayay markaas,” sidaa waxa yidhi mid ka mid ah asxaabtii Marxuumka ay saaxiibka ahaayeen. Maxamuud Cabi Shide, Illaahay ha u naxariistee, waxa uu ahaa hormoodki saxaafadda xorta ah ee Somaliland tooshka u siday. Marxuumku waxa klae oo uu qayb laxaad leh ka qaatay hirgelinta shirkado wadaniya oo ay ka shaqeeyaan boqolaal qof oo muwaadiniin ahi. Haddii aynu wax yar ak xusno hal-ku-dhegyadisii dhinaca saxaafadda, xorriyatul qawlka iyo xuquuqul iinsaanka, waxa ka mid ahaa; “Saxaafadda madaxa bannaan ee Somaliland waa in aanay u adeegin dan gaar ahaaneed ee ay u adeegto danta guud. (17 Nov. 1995), maalintii xuska saxaafadda.”

“Saxaafadda madaxa bannaani waa ilaaliyaha hantida iyo karaamada ummadda.” “Saxaafadda madaxa bannaani waa in aanay shakhsina ka garowsan sida uu jecel yahay, ee ay raaligeliso bulshadeeda”. “Waa in la ilaaliyo xuquuqda dadka iyo xorriyadda hadalka” iyo qaar kale oo badan oo aanan halkan ku soo koobi Karin, dhammaantoodna ku xardhan kaydka sooyaalkii taariikheed.

Xukuumadda Somaliland ee talada dalka haysay waxa ay tallaabooyinkaa horumarineed iyo fikirkaa dhowrista xorriyadda saxaafadaba kaga jawaabaysay hagar-daamayn iyo xadhig qabasho ah oo ay si xidhiidh ah ugula kacday Marxuumka iyo guud ahaan shirkadda NPP-ba. Haddana, marnaba kama tanaasulin in uu shido ilayska saxaafadda, kaas oo uu gaadhsiiyay heer Caalami ah.

Illaahay ha u naxariistee, Marxuum Maxamuud Cabdi Shide, waxa uu ahaa shakhsi Allaah siiyay hibooyin dhowr ah oo aan sida qaalibka ah la arag qof la isu raaciyo. Waxa uu ahaa Deeqsi aan qofna ka lexo-jeclaynin waxa uu hayo. Waxa uu aha anin hal adag oo ku dhaciisu qayra caadi ahaa, waxa uu ahaa geesi aan ka gaban hirgelinta waxa uu aaminsan yahay. Waxa uu ahaa qof ku xidhnaa qaybaha bulshada mid yar iyo mid waynba, waxa uu ahaa wadani ku hal adag aayaha qaranimada Somaliland, taana waxa caddaynaya sidii uu uga hadli jiray shakhsiyan toosinta maamulka dalka.”

Maxamuud Cabdi Shide, Illaahay ha u nuuro xabaashee, waxa uu gaadhsiiyay saxaafadda Somaliland meel la yaab ku noqotay warbaahinta dalal badan oo caalamka laga aqoonsan yahay, waxa uu ku soo xidhay wakaaladda wararka ee ugu caansan dunida, isaga oo aan eegin hantida kaga luaysa, basle doonaya oo keliya in saxaafadda Somaliland noqoto mid la tallaabsata warbaahinta dunida horumartay ee ku jirta Shebekadda Isgaadhsiinta casriga ah ee Internet. Lama hayo weli ganacsade reer Somaliland ah oo hantidiisa si qayra caadi ah u geliyay meel aanay muddo dheer ka soo baxaynin. Si kastaba ha ahaateer Marxuum Maxamuud Cabdi Shide, waxa lagu xasuusan doonaa waxyaabahaa aynu soo sheegnay iyo qaar kale oo faro badan oo aanan halkan ku xusin.

Illaahay ha u naxariistee marxuum Maxamuud Cabdi Shide, oo geeriyooday Nov. 9. 1998, kadib markii lagu sameeyay qalliin caloosha ah, erayadii dardaaranka ahaa ee afkiisa ka soo baxay daqiiqado kahor intii aanu wafaadin, waxa ka mid ahaa, isaga oo la hadlaya dadkii ku wehelinayay qolkii uu jiifay; “Wallaalayaal, ha is-barbar dhigina danta guud iyo danta gaarka ah, ha noqonina qaar ujeeddo gaar ah dhaafsada aayahooda, ilaaliya xasiloonida qaranimadiina, haddii ay taydii noqotana waxaan idin leeyahay; Jamhuuriya yaanu istaagin ee ha noqdo mid danaha bulshadiisa ilaaliya oo aan joogsan”.

Illaahay ha u naxariistee marxuumku intii uu noolaa waxa uu guursaday saddex dumar ah, wax carruur ahna ifka kagamuu tegin. Marxuumku waxa uu la dhashay oo ay wallaalo ahaayeen 5 wiil iyo 2 Dumar ah, waxaana hadda nool 2 wiil iyo 2 dumar ah.

Rabbi ha u naraxiistee Marxuum Maxamuud Cabdi Shide, waxa uu god galay Nov.9. 1998.

“Inkastoo la duugoo, ii lagu adkeeyoo, dunjigiis la qariyoo, uu ka tagey adduunyada, maatada u doodaha, danta guud ilaashaha, geesiga hal-doorka ah, magaciisu waa jire, ma qarsoomo weligii.”



M. M. Kastan


http://samotalis.blogspot.com/

No comments: