09 November, 2013

Dr.Cumar Dixood Oo Iska Casilay Xubinimadii Gudiga Qabanqaabada Shirweynaha Kulmiye Iyo Wuxuu Ku Sababeeyay Iscasiladiisa!.

Dr.Cumar Dixood Oo Iska Casilay Xubinimadii Gudiga Qabanqaabada Shirweynaha Kulmiye Iyo Wuxuu Ku Sababeeyay Iscasiladiisa!.



Hargeisa-—Dr.Cumar Cilmi Dixood Oo ka mid ahaa 15-kii xubnood ee Gudiga qabanqaabada Shirweynaha Kulmiye ee doortay shirgudoonkii doctuurka ahaa ayaa shaaciyey inuu xubinimadii Gudigaa iska casilay. Dr.Dixood ayaa soo saaray qoraal ku socda gudoomiyaha xisbiga Kulmiye oo iftiiminaya sababhuhu isu casilay.Qoraalkaas oo dhamaystiranina wuxuu u dhignaa sidatan:-

“Aniga oo ah Dr. Cumar Cilmi Diixood, Waxaan halkan ku cadanayaa in aan iska casilay Xubinimadii Gudida qaban qaabada shirweynaha Kulmiye.Waxaan guddoomiye kaaga mahadnaqayaa in aad xilkan markii hore ii garatay, iminkana waxa aan kaa codsanayaa in aad iga aqbasho is casilaada ka dib markii aan arkay murankii iyo kala qaybsanaantii xisbiga ay ku keentay arrintaasi, taas oo ilaa madaxweynaha gaadhay. Aniga oo eegaya danta xisbiga, ta qaranka iyo xaalada wadanku ku jiraba waxa aan ku rajo waynahay in aad iga aqbasho is casilaada”

Dhinaca Kale waxuu ku tilmaamay Guddigaas is doortay in lagu qalday, ayna yihiin Guddi Xaraan ah, oo baal marsan sharciga Xisbiga 


Geesta kale waxaa iscasiladaa mid la mid ah goor hore oo shalay ahba ku dhaqaaqday Marwo Farax Faarax Cali oo ahayd xubin ka mid ah gudiga qabanqaabada shirweynaha Kulmiye oo Gudoomiyaha Kulmiye u qadintay iscasiladeeda,waxaana la filayaa in xubno kale oo isla gudigaas ka mid ahi sidaas oo kale yeelaan si gudoomiyaha xisigu u kala diro gudiga qabaqaabada shirweynaha, bedelkoodana soo xulo xubno kale.

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: