31 August, 2013

Xisbiyada mucaaradka ah ee UCID iyo Wadani ayaa walaac xoogan ka muujiyay in aan wali la qaban diiwaangalintii


Hargeysa(Geeska)-Xisbiyada mucaaradka ah ee UCID iyo Wadani ayaa walaac xoogan ka muujiyay in aan wali la qaban diiwaangalintii cod bixiyayaasha doorashooyinka,waxaanay xukuumada ku dhaliileen inuu ka muuqdo cago jiid loona baahan yahay in diiwaangalinta inta sanadkan ka hadhay lagu qabto si doorashooyinku ay wakhtigoodii ugu qabsoomaan.

Waxa ay xisbiyada mucaaradka ahi ayaan daro ku tilmaameen in xukuumada oo ku timi nidaam dimuqraadiya aanay fir ficooni u muujinayn doorashooyinka,.waxaanay si cad u sheegeen in aanay aqbalayn doorashooyinka oo wakhtigoodii ka dib dhaca.

Waxa ay sidan ku sheegeen xisbiyada mucaaradka ah ee UCID iyo Wadani waraysi gaar ah oo uu la yeeshay wargeyska Geeska Afrika.

Wargeyska oo ugu horayntii waydiiyay afhayeenka xisbiga Wadani Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa bal isda ay u arkaan in aan dalka wali laga qaban diiwaangalintii xili ay doorashooyinkii soo dhawaadeen waxa uu yidhi “Arintaas waanu ka wal wal sanahay oo waliba si aad ah ayaanu uga walaacsanahay,waxaanan u aragnaa in arintaasi ay geedi socodkii dimuqraadiyada ee Somaliland mid waxyeelaysa,walaacaas aan ka muujinay ka sokow waxaanu ku dhaliilaynaa xukuumada inay ka gaabisay inay dhaqdhaqaaq loogu diyaar garoobaayo diiwaangalin inay samayso,markii la laalay diiwaangalintii hore waxa xeerka lagu soo daray in lix bilood gudahood lagu qabto diiwangalin cusub maantana waad la socotaan waxa ka soo wareegay ku dhawaad laba sanadood. Xukuumada ayaa dhaliishaas iska leh waxii ka soo baxana iyadaa dhabarka u ridan doonta,haddii diiwangalinta cod bixiyayaasha sanadkan inta ka hadhay lagu qaban waayo waxay dhaawaci doontaa hanaankii doorashooyinka ee dalkeena,xisbi ahaan ma ogalin waanu diidanahay waana in wax waliba wakhtigooda ay ku qabsoomaan oo aynu qabsanaa doorasho,xukuumadana waxaanu ugu baaqaynaa in aanay wax kale ku mashquulin ee ay dhakhso u qabato diiwaangalinta cusub.madaxweynuu waxa uu golayaasha hortooda ka sheegay in aanu maalin ku darsanayn muddo xileedkiisa, hadana kama muuqdo dhaqdhaqaaq doorashooyin loogu sii diyaar garoobayo. ”

Sida oo kale musharaxa xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen oo dhankiisa aan waydiinay bal isda ay u arkaan in aan dalka wali laga qaban diiwaangalintii xili ay doorashooyinkii soo dhawaadeen waxa uu yidhi “Ayaan daro ayaan u arkaa,xukuumada Kulmiye waxa laga filaayay sidii ay hore u balan qaadeen inay doorashooyin wanaagsan qabtaan oo waliba ka horumarsan kuwii hore,waxaanad moodaa in dib u dhac weyn uu dhankii doorashooyinka hadda inagaga dhacay,waynu ogayn in doorashooyinkii ugu danbeeyay ay muran dhaliyeen oo aynu siganay dalkuna uu khal khal galay,tii danbe ee hada loo fadhiyay ee ahayd in casharna lag barto tii hore deegaanka dalkana diiwaangalin laga sameeyo xukuumaduna ay hormuud ka noqoto kamay noqon oo way ka cago jiidaysaa.”

Wuxuu Jamaal, intaas raaciyay, “Nasiib darada dhacdayna waxa weeye dawladii hore waxay samaysay diiwaangalin dhibaatooyin badan ayaa inaga soo gaadhay oo ay ahayd inaan wax ka barano, dhaqaale 13 milyan oo dolar ka badan ayaa inagaga baxay dal da’loolooyina way lahayd laakiin waxay ahayd in la saxo oo nidaam dhan oo aynu samaynay hala iska tuuro caqli may ahayn, mana ogalin in sidii doorashada deegaanka oo kale doorashada loo galo,golahii wakiiladu toban sanadood ayay fadhiyaan oo wakhtigoodii shan sanadood oo kale ayay isaga darsadeen waxay ahayd iyaga laftigoodu inay door ka ciyaaraan doorashoyinka sidii dabada looga riixi lahaa oo ay ku daba galaan xukuumada sidii shaqadeeda loogu ilaalin lahaa,waxa hadda laga baqayaa in ay dhibaatooyin inoo keento.”




http://samotalis.blogspot.com/


Xisbiyada Mucaaradka Oo Walaac Ka Muujiyay Diiwaangelinta Oo Dib U Riixaysa Doorashada Iyo Farriinta Ay Madaxweyne Siilaanyo U Direen

No comments: