31 August, 2013

Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa maanta cod gacan tag ah ku Ansixiyay sagaal Masuul oo isugu jira Wasiiro, OLYMPUS DIGITAL CAMERAWasiiru-dawlayaal iyo Wasiir ku-xigeeno

Hargeysa(Waaheen) Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa maanta cod gacan tag ah ku Ansixiyay sagaal Masuul oo isugu jira Wasiiro, OLYMPUS DIGITAL CAMERAWasiiru-dawlayaal iyo Wasiir ku-xigeeno, kuwaas oo ahaa Wasiiraddii ugu danbeeyay ee Madaxweyne Siilaanyo Magacaabo.
Wasiirada la Ansixiyay waxay kala ahaayeen:
  1. Wasiirka Arrimaha Dibeda Maxamed Biixi Yoonis
  2. Wasiirka Warfaafinta C/laahi Maxamed Daahir Cukuse
  3. Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha, Cilmi baadhista iyo Tiknoolajiyada Aadan Axmed Warsame
  4. Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Maxamed Jaamac Abgaal
  5. Wasiirka Dibu-dajinta Axmed Cabdi Kaahin
  6. Wasiiru-dawlaha Madaxtooyadda Maxamed Muuse Abees
  7. Wasiir ku-xigeenka Wasaradda Ganacsiga iyo Maal-gashiga Bashiir Cabdi Xariir
  8. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Xasan Daahir Dhinbiil
  9. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaan-dhiga Cabdi Daahir Camuud.
Wasiiradan ayuu Goluhu Cod aqlabaiyad ah dhamaantoodba ku Ansixiyeen, waxaana Golaha fadhiyay konton mudane, waxaa wali hadhsan Wasiiro kale oo iyagana Goluhu Ansixin doono Barri sida uu Guddoomiyaha Golaha Wakiiladdu sheegay.
Wasiiradan ayaa ka hadlayintaan la Ansixin fadhigii maanta waxaanay sheegeen in ay si xilkasnimo leh uga soo bixi donaan Xilalka uu Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay, isagoo mid kastaa ka hadlay hawlaha horyaala.

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: