31 August, 2013

LA-TALIYAHA MADAXWEYNAHA EE DHAQAALAHA MUD. AXMED XASAN CARWO OO TACSI U DIRAAYA EHELKA MARXUUM AXMED CABDILLAHI ROORAAYE

LA-TALIYAHA MADAXWEYNAHA EE DHAQAALAHA MUD. AXMED XASAN CARWO OO TACSI U DIRAAYA EHELKA MARXUUM AXMED CABDILLAHI ROORAAYE


 La-taliyaha Madaxweynaha ee Dhaqaalaha. Ganacsiga iyo Maalgashiga Axmed Xasan Carwo waxa uu tacsi u dirayaa, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo si gaar ah Jaaliyadda Somaliland ee Sheffield,UK

Axmed Rooraye waxuu ka Madax aha muddo dheer Ururka Qaaxootiga ee Sheffield, waxuuna aha mas'uul aad uga dhex muuqda Jaaliyadda Somaliland  intaanu u baqolin Somaliland xiligii doorashda Madaxtooyada ee 2010, kolkaas oo uu ka mid aha Guddiga Ololaha Gobalada Bari ee KULMIYE, guushi Kulmiye dabadeed, waxuu Madax ka noqday Hay'addii Dibudejinta Somaliland, kolkii dambana lagu daray Wasaaradda Dibudejinta. Alle ha u naxariistee Axmed waxuu si kedis ah ugu geeriyooday laguna aasay Hargeysa 30/08/2013 

Axmed Rooraye waxuu aha nin firfircoon oo aad uga dhex muuqda siyaasadda iyo warbahinta dalka, kuna dhiiranaa afkaartiisa oo uu ku kasbaday asxaab iyo cadow badanba.   

 Waxaan ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka AXMED CABDILLAHI ROORAAYE,  inuu Jannatul Fardows ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Xigto iyo Xigaal, Asxaabtiis meel kasta ooy joogaanbana uu waafajiyo samir iyo duco.

 IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN 

Axmed Xasan Carwo 
La-taliyaha Madaxweynaha SL 
ee Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo maalgashiga 

eci.advisor@gmail.com


http://samotalis.blogspot.com/

No comments: