31 August, 2013

War Xog-ogaal ah ayaa wargeyska DAWAN xalay u xaqiijiyay in 12 xildhibaan oo tirsan Golaha deegaanka Hargeysa ay....

War Xog-ogaal ah ayaa wargeyska DAWAN xalay u xaqiijiyay in 12 xildhibaan oo tirsan Golaha deegaanka Hargeysa ay Duqa caasimadda ka dalbadeen inuu golaha u qabto fadhi aan caadi ahayn.


Si ay fursad ugu helaan inay mooshin ka dhan ah Maayarka iyo ku xigeenkiisa oo ay doonayaan inay kalsoonidda u qaadaan. Xildhibaan ka tirsan Golaha deegaanka Caasimadda oo dalbaday inaan magaciisa la shaacin ayaa noo sheegay inay khamiistii 12 Xildhibaan Duqa Caasimadda u gudbiyeen qoraal ay kaga dalbanayaan fadhi aan caadi ahayn oo Goluhu yeesho si looga wada hadlo qoddobo badan oo la xidhiidha wax ay ugu yeedheen horumarinta caasimadda Hargeysa. Warku waxa uu intaas ku daray in Xildhibaanadan soo jeediyay fadhiga aan caadiga ahayn ay doonayaan inay xilka ka qaadaan maayarka Hargeysa Md. C/Raxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) iyo Maayar Ku xigeenka C/Casiis Maxamed Cago-weyne.

Kooxdan Xildhibanaada ahi waxay Maayarka iyo ku xigeenkiisa ku eedeynayaan sida la weriyay maamul xumo iyo eedo ay ka mid tahay inay dheelitiri kari waayeen maamulka dawladda Hoose iyo habacsanaan baahsan oo saamayn taban ku yeelatay horusocodkii laga filayay Dawladda Hoose iyo Golaha Deegaankaba. Warku waxa uu intaasi ku darayaa in Mudaneyaashani ay Maayarka Hargeysa oo maalmahan xanuunsanayay ay qoraalkooda ugu geeyeen gurigiisa magaaladda Hargeysa.

Geesta kalena waxaan noo suurto gelin inaanu arrintan wax ka weydiino Maayarka Hargeysa Md. C/Raxmaan Maxamuud Caydiid oo aanu xalay Telefoonkiisa gacanta dhawr jeer garaacnay hase yeeshee naga qaadi waayay. Mudaneyaasha dalbaday fadhigan ayaa naloo xaqiijiyay inay ka mid yihiin Cismaan Xasan Faarax (Cismaan Waxar), Maxamed Aw- Aadan Wayrax, Saleebaan Daahir Dogox, Khadar Qeylo-weyne, Khaalid C/Qani, Axmed Cali Haybe iyo xubno kale.

Xigasho Dawan.

http://samotalis.blogspot.com/

1 comment:

Samotalis said...

Qaynuunku ma dhigaayo in la bedeli karo Mayorka sanadka hore. Warkana waxa beeneeyey Mayorka iyo xubno lagu sheegay inay isbedelka ka dambeeyaan.