15 August, 2013

Xisbiga Mucaaradka Ee Wadani Oo Ku Eedeeyay Xukuumada Ka Bixitaankii Hayda MSF Kaga Baxaday Somalilad

Xisbiga Mucaaradka Ee Wadani Oo Ku Eedeeyay Xukuumada Ka Bixitaankii Hayda MSF Kaga Baxaday Somalilad
Aug 15,2013 Hargaysa(Cadceed) Hog-hayaha Dib u dejinta ee Xisbiga Wadani Jaamac Maxmaed ( Hillaac) ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay Go’aanka Hay’ada MSF kaga Baxday, Cisbitaalka Guud ee Gobolka Tog-dheer ee magaaalada Burco oo ay Adeegyo caafimaad oo Bilaash ah ka bixinaysay muddo dheer, waxaanu Nasiib darro ku Tilmaamay Go’aanka hay’adaasi qadatay oo uu sheegay in Somaliland kala miisan dhigtay somaliya oo aanay Nabadgelyo ka jirin.
Jaamac Hillaac Waxa uu siddasi ku sheegay mar uu waraysi Saxaafada ka siiyey arintaasi.
Waxa kale oo uu Xusay in Somaliland ay ka jirto Nabad buuxda oo aan wax dhibaato ah aan loo gaysan hay’adaha kala duwan ee dalka ku sugan.
Waxaanu yidhi. “Runtii Waxa aad looga Xumado, aan ku tilmaamayaa go’aankii hay’ada MSF ay qaadatay kaasi oo ay kaga baxday Cisbitaalka Guud ee Gobolka Tog-dheer ee Magaalada Burco, ficilka hay’adaasi ku dhaqaaqdayna waa mid aad shacabka Somaliland gaar ahaa dadka danyarta ee reer Burco aad uga Naxeen, may ahayn Hay’ada MSF in dhibaatada Nabad gelyo darada ah ee ka jirta Somaliya ay ku qiimayso Somaliland oo muddo 22sanno ahi ku naaloonaysay Nabad iyo Barwaaqo, arrintaasi waxaanu u aragnaa mid aad u khaldan oo lagu yasayo nabadgelyada Buuxda ee dalkeena Somaliland ka jirta.”Ayuu yidhi
Waxa kale oo uu Baaq u diray Xukumada iyo Ganacsatada Gobolka Tog-dheer waxanu yidhi “Xukumada iyo Ganacsatada gobolka tog-dheer waxaan u jeedinayaa in ay buuxiyaan Kaalintii hay’ada MSF kaga jirtay taakulaynta Cisbitaalka Guud ee gobolka tog-dheer, si aanay hoos ugu dhicin adeegi ay bixin jirtay hay’ada MSF.”Ayuu yidhi
Waxa kale oo uu intaasi raaciyey “Sidoo kale wasaarada Arrimaha Dibada waxaanu ka codsanaynaa in ay waraaq cabasho ah u qorto oo ay ka hadasho, in aanay Somaliya iyo Somaliland aanay, ahayn wax is khuseeya ee ay kala yihiin labba dal oo kala madaxbanaan, oo dhibaatada iyo nabadgelyo darada ka jirta somaliya aan lagu qiimayn Somaliland, Somaliland waa dhul degen, waa dal ay hay’adaha caalamiga ah oo dhami ka hawlgalaan, go’aanka hay’adaasi qadatayna waa mid sharaf darro ku ah Somaliland oo ay kala mid dhigtay somaliya oo aanay dawlad iyo nabadi ka jirin.”Ayuu yidhi Hillaac.

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: