15 August, 2013

Dimuqraadiyada iyo Dhaqanka Bulshada Keebaa Xoog Badan?

Dimuqraadiyada iyo Dhaqanka Bulshada Keebaa Xoog Badan?

Dhaqanka Somalida
abdirashiid Ahmed4Somalidu sideedaba waa bulsho xoolo dhaqato ah. In ka yar 100 sanno ayaa magaalooyinka la degay oo markaasi loo baahday in la sameeyo maamul ay ku midoobaan qabiilo kala duduwani. Waxa kaloo loo baahday in la sameeyo xeerar guud oo bulshada magaalada degtaa ay isku xukunto. Intaa ka hor, qabiil waliba waxa uu lahaa suldaan u gaar ah iyo xeerar qabiil oo isaga u gaar ah. Mararka qaarkood suldaanka qabiilka ayaa isla qabiilkiisa dulmiyayay oo u xoog sheeganayay. Xeerka suldaanka waxa barbar socday oo marjiciyada sare ahaa shareecada Islaamka oo qabiil waliba uu lahaa wadaadkiisa. Haddana, maadaama qabiil waliba uu qabiilka kale iska eegayay oo uu la tartamayay, waxa inta badan la meel marinayay xeerka suldaanka ee qabiilka u gaarka ah. Xeerka qabiilka ayaa qeexayay sida loola dhaqmayo qabiilka deriska lala yahay. Qabiilada qaar baa waxay lahaayeen xeerar aad u faahfaahsan oo ilaa maanta siyaabo kala duduwan loogu dhaqmo qaarna xeerkoodu sidaa umuu sii fogayn. Si kastaba ha ahaatee xeerarkii qabiilka waxa badhxay dawladihii gumaysiga ahaa sida Ingiriiskii Somaliland xukumaayay. Ingiriisku wuxuu keenay qawaaniin casri ah oo uu ka keenay waddankiisii ama wadamadii kale ee uu xukumaayay. Markaa waxa isla falgalay xeerarkii casriga ahaa ee gumaystaha iyo xeerarkii salaadiinta qabaailka Soomaliyeed uu midba goobtiisa horjoogaha kaga ahaa. Ingiriisku waxa uu kaga duwanaa gumaystayaashii kale ee reer Yurub isagu waxa uu la tashan jiray qabaailka uu wadanka ugu yimid isla markaana xeerarkooda wixii ka anfaca wuu qaadanayay. Ingiriisku salaadiinta iyo cuqaashii uu arlada ugu yimid wuxuu ku dadaalay inuu ka dhigo qayb maamulkiisa ka mid ah ilaa xadna way u suurtogashay oo sidaasi ayay ku wada shaqaynayeen. Taasina markaad dhinac ka eegto waxa ay faaiido u lahayd in dhaqankii Somalidu uu sii waaro. Culimada Somaliyeed iyaga xidhiidhka ay Ingiriiska la lahaayeen dabcan wuxuu ku sallaysnaa iska caabin. Taas awgeedna Ingiriiska umay suuro gelin in arlada siduu rabay uu ka yeelo oo uu bulshadii somaliyeed ugu fuliyo damaciisii iyo qorshihiisi dhaqan-dhaqaale sidii uu ka yeelay wadamo kaloo badan oo Africa ah. Markaa dhaqanka Somalida waxa aasaas u ah xeerarkii ay salaadiintu qabaailkooda u sameeyeen iyo diinta Islaamka. Mida kale ee muhimka ahi waxa weeyaa Somalida oo ah dad dhiig kulul oo uu guud ahaanba sabirku ku yar yahay. Somaligu si fudud buu u cadhoodaa si fududna talaabo ayuu u qaadaa. Taasi ayaa ifinaysa waxa sababay isku-dhacyo badan oo mararka qaarkood keenay in ay dad badani ku naf waayaan. Waxa taa lidku ah in hadana Somaligu uu si fudud ula heshiiyo cadawgiisa. Taasina waxay imanaysaa marka laysa soo hor fadhiisto ee cida khaldani ay khaladkeeda qaadato. Somaligu waxa uu jecel yahay inuu muddo gaaban gudahood uu ku helo cadaalad, hadduu ku heli waayana wuxuu door bidaa inuu gacantiisa uu ku ciil baxo.
Dimuqradiyada Somaliland
Reer Somaliland iyagoo ka duulaya dhaqankaasi aynu kor ku soo sheegnay ayay soo galeen halgano dhawr ah. Mar ay eryaan gumaystihii Ingiriiska iyo mar ay ka dhiidhiyaan dulmigii nidaamkii shuuciga ahaa ee Xamar ka jiray. Halgankii kadib, waxay reer Somaliland samaysteen golayaal uu kow ka yahay golaha guurtida oo ku dhisan qaab dhismeedkii qabaailka Somaliland. Golaha guurtidu waxa uu ku guulaystay inuu nabad buuxda ku soo rogo gobolada Somaliland oo dhan iyo inuu waddanka u sameeyo madaxweyne. Si tartiib tartiib ah ayaa hayadihii kale ee dawladu u baahnayd loo dhamastiray. Waxaana muddo gaaban gudaheed loo dhamaystiray waaxihii ay lahayd dawlad casriya. Ilaa xad bulshada reer Somaliland waxay muujiyeen bisayl siyaasadeed oo naadir ku ah mandiqada geeska Africa. Bulshada caalamkuna way ku amaantay reer Somaliland horumarkaa siyaasadeed eey gaadheen muddada gaaban gudaheed. Taa macnaheedu maaha reer Somaliland waxay heleen wixii ay muhanayeen oo dhan. Yaan la ilaabin in mujtamaca reer Somaliland uu yahay mujtamac qabali ah. Mujtamaca qabaliga ahina sidaan kor kusoo sheegnay waxa lagu yaqaanaa inuu yahay mid ku sifoobay sabir yaraan iyo inuu yahay mid jecel inuu degdeg u helo wixii uu tabanayo. Waxwalba waxa ka horaysa in haddii Somaligu uu dareemo cadaalad darro, inuu caddaaladaasi cid kale ka sugo waxa uu ka door bidayaa inuu gacantiisa ku soo dhacsado caddaalada uu isleeyahay way kaa maqan tahay. Hadduu keligii u arko inuu cadaaladaasi soo dhacsan karo wuu ku dhaqaaqayaa, hadduu u arko keligii inaanu hawshaasi ku guulaysan karin waxa uu bilaabayaa inuu kaalmaysto xubnaha kale ee ay isku qabiilka yihiin.
Filashada Shacabka Reer Somaliland
Reer Somaliland markay dhiseen nidaamkaasi dimuqraadiga ah een kor kusoo sheegnay ulamay jeedin uun inay ku biiraan wadamada dimuqraadiga ah ee waxay filayeen inay sidoo kale muddo gaaban gudaheed ay ku gaadhi doonaan horumar dhaqaale oo midhihiisu uu wada maansheeyo cid wal oo reer Somaliland ah. Nasiib darro taasi may dhicin. Taasina waxa u sabab ah inaan sidii loo baahnaa aan loo horumarin nidaamka maamulka dhaqaalaha waddanka. Waxay arrin taasi u baahan tahay afar shuruudood in la helo. Kow, waxa loo baahan yahay in la sameeyo nidaam maamul maaliyadeed oo leh qawaaniintiisa, hanaankiisa iyo masuuliintii iyo shaqaalihii dawladeed ee si hufnaani ku dheehan tahay hawshaasi u fulin lahaa. laba, waxa loo baahan yahay in laysla meel dhigo ilihii dhaqaale ee wadanka ay cashuuri kasoo geli lahay. Saddex, waxaa loo baahan yahay in maalqabeenada ay cashuurtu ku waajibtay inay sideeda isaga bixiyaan. Afar, waxa loo baahan yahay in dan yarta waddanka hoos loo eego oo baahidooda aasaasiga ah ay dawladu u samayso mashaariic ay baahidaasi ku daboolayso. Marka afartaa shuruudood laysa helo ayaa la helayaa horumar dhaqaale oo midhihiisu ay wada gaadhaan bulshada reer Somaliland. Cadaaladina markaasay imanaysaa. Caddaalad marka la helana waxa laga aamin noqonayaa shaqsigii ama qabiilkii cadaalada gacantiisa ku raadsan lahaa ee markaasi fawdada dalka u horseedi lahaa. Su'aashu waxay tahay afartaa shuruudood yaa laga rabaa inay buuxiso. Ma xukuumadaa keligeed arrintaa u qoolan? Ma baarlamaankaa laga sugayaa? Ma bulsho wayntaa laga sugayaa? Bal cid waliba hoos haysoogu noqoto oo qiimayn nafteeda haku samayso. Hogaanka waddanku hays weydiiyo miyuu hawshii loo igmaday si daacad ah u gutay? Baarlamaanku haysweydiiyo miyuu doorkiisii kasoo baxay? Ganacsaduhu hays weydiiyo miyuu waajibkiisii xaga cashuuraha kasoo baxay mise waxbuu kala khabeeyey? Aqoon yahanka hogaanka maanta talada haya dacaayadaynayaana hays weydiiyo haddii doorka danbe adiga lagu boqro miyaad dhaami lahayd ka maanta jooga mise halkiisaad ka miise lahayd? Mid yaan la iloobin. Midaasi waxay tahay mujtamac walba waxaa kasoo dhex baxa hogaankeeda. Hadduu mujtamacu saxsan yahay waxa kasoo dhex baxaya hogaamiye quman. Dhaqanka Somaliyeed ayaa waxaad moodaa inuu ku sallaysan yahay sadbursi raadsi. Masuulka meel loo dhiibo suaasha ugu horraysa eey qabiilkiisu waydiinayaan ayaa ah "meesha laguu dhiibay dhacdhac maleedahay mise waa mushahar keliya?". Markaa miyaanay idinla ahayn madaxwaynaha waxa la doortaa 5 sanadood oo inta uu kursiga ku fadhiyo ayaaba iska yar hadduu quman yahay iyo haddii kaleba, ee bulsha wayntu sidii ay isu sixi lahayd falawgeed ha gasho si markaasi mustaqbalka ay damaanad iyadu isu siiso inay dooran doonto hogaan quman.

C/rashiid Axmed Guuleed
abdirashidaa@gmail.com


No comments: