18 August, 2013

Shirkii Beelaha Sacad Muuse Ee Hoodaale Oo Saaka Si Rasmi Ah Uga Furmay Degmadda Agabar.

Shirkii Beelaha Sacad Muuse Ee Hoodaale Oo Saaka Si Rasmi Ah Uga Furmay Degmadda Agabar.
Shirkan oo socon doona muddo toban maalmood ah......

Shirkii Beelaha Sacad Muuse ee (Hoodaalle) ayaa maanta oo ay bishu tahay 18/8/2013 ka furmay degmadda Agabar ee gobolka Gabiley, waxaana ka qeyb galaya madax-dhaqameedyo badan oo ka kala socday ardaayadda beelaha Sacad Muuse, duqay iyo ergooyin kala duwan oo lagu marti qaaday. 

Shirkan ayaa waxa furay Ugaaska beelaha Sacad Muuse Ugaas Ibraahim Axmed Kaahin (Jilbo-dhige) oo hadal uu halkaasi ka jeediyay si rasmi ah ugu dhawaaqay furitaanka shirkan, waxaanu u mahad celiyay madax-dhaqameedkii iyo waxgaradkii kaalinta ka qaatay hirgelinta shirka Hoodaalle ee Beelaha Sacad Muuse. 

Ugaas Ibraahim Jilbo-dhige waxa uu sheegay in shirkan oo socon doona muddo toban maalmood ah lagaga hadli doono qodobo badan oo la xidhiidha danta Beelaha iyo midnimadoodaba. 

Ugaasku waxa uu ALLE ka baryay inuu shirkan uga dhigo mid midho dhalla oo ay ka soo baxdo natiijo dan u ah beelaha shirkan qabsaday iyo guud ahaan Somaliland-ba. 

Shirkan oo muddo ay socotay qaban qaabadiisu waxa weli ku qul-qulaya ergooyinka shirka ka qeyb galaya iyo marti-sharaf kala duwan oo lagu marti qaaday inay goob joog ka noqdaan.

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: