18 August, 2013

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo Tacsi Tiiraanyo Leh udiray Qoyskii iyo Qaraabadii uu ka baxay Marxuum Chief Caaqil Cabdi Aw Cumar Kulmiye

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo Tacsi Tiiraanyo Leh udiray Qoyskii iyo Qaraabadii uu ka baxay Marxuum Chief Caaqil Cabdi Aw Cumar Kulmiye
17/08/2013 lagu aasay magaalada Kala-baydh ee gobolka Gabiley.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE isagoo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, ka golaha dhexe, ka guddiga fulinta iyo ka dhammaan xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga KULMIYE wuxuu tacsi u dirayaa eheladii, qaraabadii iyo dhammaan shacbi waynaha reer Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Chief Caaqil Cabdi Aw Cumar Kulmiye oo maanta oo ay taariikhdu tahay 17/08/2013 lagu aasay magaalada Kala-baydh ee gobolka Gabiley. Marxuumka oo ka mid ahaa madax-dhaqameedka magaca wayn ku lahaa gobolka Gabiley door mugle oo guurtina ka soo qaatay halgankii dib-u-xoraynta qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. 
Waxa uu Ilaahay uga baryayaa inuu marxuumka jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo intii uu ka baxaya samir iyo iimaan ka siiyo. 


ALLA MAHADLE 
Xasan Siciid Yuusuf 
Xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: