09 June, 2013

“Raysal Wasaaraha Ethiopia Abaal Baanu Ugu Haynaa Hiilkii Maalintii Dhawayd Uu Isku Taagay Ee Uu Yidhi S/Land Cidii Far-Saarta Shantaanu Is-Daraynaa”

“Raysal Wasaaraha Ethiopia Abaal Baanu Ugu Haynaa Hiilkii Maalintii Dhawayd Uu Isku Taagay Ee Uu Yidhi S/Land Cidii Far-Saarta Shantaanu Is-Daraynaa”

Muuse Biixi, Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye

Hargeysa, June 9, 2013 (Haatuf) – Guddoomiyaha ku meelgaadhka ah ee Xisbul Xaakimka Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay dalka ku soo guryo noqday, kaas oo ka soo laabtay socdaal qaatey mudo 2 bilood ku dhaw oo ugu maqnaa dalka Maraykanka, ayaa isagu ka soo degay Madaarka Magaaladda Hargeysa ee Igal International Airport oo uu madaxda iyo taageerayaasha xisbigaasi si wayn ugu soo dhaweeyeen. Muuse Biixi ayaa markii uu soo degay waxa uu qolka nasashada kula hadlay Warbaahinta, kaas oo ka waramay ujeedada socdaalkiisa iyo waxa uga soo qabsoomay, sidoo kalena si wayn u deedefeeyey hadal ka soo yeedhay maalintii xuskii 18-ka May Madaxwaynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud. Guddoomiyaha ku meelgaadhka ah ee Kulmiye Muj Muuse Biixi Cabdi waxa uu sidoo kale si wayn u soo dhaweeyey taageeradii diblomaasiyadeed ee dhawaan Raysal Wasaaraha Ethiopia u muujiyey Somaliland, taas oo uu ku sifeeyey mid abaal ay ugu hayaan dawladda iyo Raysal Wasaaraha dalkaas Ethiopia. Ugu horayna isaga oo Muuse Biixi ka hadlaya hadalka Raysal Wasaaraha Itoobiya, waxa uu yidhi “Dawladaha aynu jaarnahay ixtiraam badan iyo qadarin ayaanu u haynaa, Djibouti oo ah dalka aanu ugu saaxibsanahay dalwadaha afka Soomaaliga ku hadla ixtiraam badan ayaanu u haynaa, dawladda Ethiopia iyo Raysal Wasaarahooda abaal baanu ugu haynaa hiilkii maalintii dhawayd uu markii uu Baarlamaanka dalkiisa la hadlayey uu isku taagay ee uu Caalamka oo dhan oo arkaya yidhi Somaliland cidii far-saarta shantaanu is-daraynaa taasina waa hiil iyo abaal aanu u hayno Ethiopia iyada oo aanu horena abaal ay noo galeen aanu ugu haynay, waxaananu diyaar u nahay daris-wanaag, wada-dhaqan iyo inaanu horumarka geeska ka wada shaqayno”.Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi mar uu ka hadlayey hadal dhawaan ka soo yeedhay Madaxwaynaha Somalia, waxa uu yidhi “Waxaan intaas uga gudbayaa Somalia, ninka la yidhaahdo Xasan Sheekh Cisho dhawayto waxa uu yidhi ‘Somaliland caadifada ha iska daayaan way caadifad badan yihiine, ninka maanta Kismaanyo oo xabadu ka dhacayso iyo Gaal-kacyo ay ka kala qoqoban tahay, ninka ay maanta Garoowe isku goojinayaan ee ay Baydhabo iyo Xudun ka kala xidhan tahay ee isagana ay Madaxtooyada ku ilaaliyaan Ciidamada Afrika uga soo gurmaday ee leeyahay aanay jirin ee loo soo qorqoray waxa uu ku hadlayaa waa meel ka dhac inuu maanta yidhaahdo Somaliland waa caadifad. Waxaan qabaa shicibka uu xukumaa aanay taas la qaban oo waxa inaga dhexeeya dadkaas wax wayn oo diin iyo dhaqan ayeynu wadaagnaa laakiin dalkii aynu wada lahayn waynu ku kala guurnay oo danteena ayaa hashiin wayday”.
http://samotalis.blogspot.com/

No comments: