09 June, 2013

Wasiirka Khaarajiga S/land Oo Ka Hadlay Dagaalka Kismaayo, Wada-Hadalada Turkiga, Kana Gaws Qabsaday Ka Hadalka Socdaalka Axmed Samatar Ku Yimid Dalka

Wasiirka Khaarajiga S/land Oo Ka Hadlay Dagaalka Kismaayo, Wada-Hadalada Turkiga, Kana Gaws Qabsaday Ka Hadalka Socdaalka Axmed Samatar Ku Yimid Dalka

Hargeysa, June 9, 2013 (Haatuf) – Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa ka hadlay Colaada dhiiga badan ku daatay ee ka socota magaalada Kismaayo, waxaanu sheegay inuu ka xunyahay oo uu ugu baaqayo dhinacyadu inay dagaalka joojiyaan oo arrimaha la isku hayo lagu dhameeyo wada hadal. Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa sidoo kale ka hadlay Wada-hadalada Somaliland iyo Somalia uga furmaya mar kale dalka Turkiga, kuwaas oo uu sheegay in labada geesood ee Somaliland iyo Somalia ay wadaan arrimo ku saabsan wadahadaladaasi Turkiga. Wasiirka Arriamaha Dibada Somaliland, Maxamed Cabdilaahi Cumar waxa uu sidaasi ku sheegay Waraysi uu siiyey Idaacadaha Muqdisho ee Radio Sky iyo Shabeele, kaas oo sidoo kale ka gaabsaday inuu ka hadlo xiliga Socdaalka Proffesor Axmed Ismaaciil Samatar oo mudo Somaliland diid ahaa uu dalka ku yimid. Ugu Horayna Dr Maxamed oo ka hadlaya Colaada Kismaayo waxa uu yidhi “Colaada Hubaysan ee dhiigu ku daatay ee dhawaan ka curatay deegaanka Kismaayo waanu ka xunahay, waxaananu ugu baaqaynaa dadka in arinta ay isku hayaan ay ku dhameeyaan siyaasad iyo wada hadal oo aanay dan moodin dagaal, waa la ogyahay mushkilada ay Somalia Colaadu u gaysatay mudada 20-ka sanadood ka badan, uma arangno in la sii wado waxaanu ugu baaqaynaa inay joojiyaan dagaalka. Anaga waxa ay nala tagay in dadka deegaanku ay helaan fursad ay xor u yihiin oo danahooda iyo mustaqbalkooda ay kaga tashadaan karaan. Anagu Somaliland hadaanu nahay waxaanu ku gaadhnay nabadgalyada aanu haysano wada tashi, isku tanaasul iyo in danta shacabka laga hor mariyo danaha gaarka ah.

Waxa noo muuqata inay halkaasi ka jirto nidaam siyaasiya oo aan fadhiyin waxa noo muuqata in aanay nabadgyalyadu sugnayn, waxa noo muuqata in aan la tixgalinin la tashi guud deegaamada halkaasi wada dega, waxaad moodaa in arimahaasi oo dhami ay meesha ka maqan yihiin, in dadka halkaasi ee deegaamadaasi maamulaa aanay wada tashi lahayn ayaad moodaa, arimahaasi waa arimo aan loo baahnayn oo nabadgalyada xumayn kara”. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo la waydiiyey halka ay ku dambeeyeen wada hadala Somaliland iyo Somalia ee la filayey inay Turkiga uga furmaan ayaa waxa uu yidhi ““Arrimo wada hadaladaasi ku saabsan ayaa socda oo labada geesoodba ay wadaan, dawlada turkiga oo marti galinaysay wada hadaladaasi waxa ka muuqda daal badan oo in lada dhinac ee isku hadhay aanu cayino wakhtiga la kulmayo”. Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland oo la waydiiyey Sida uu u Arko Socdaalka uu Somaliland ku yimid Proffesor Axmed Ismaaciil Samatar oo isku soo sharaxay Madaxtinimada Somalia ayaa waxa uu ku jawaabay in aanu doonayn in uu arintaasi hada ka hadlo waxaanu ku jawaabay “Waxaan jeclahay in aan mar kale ka hadlo arintaasi”.

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: