09 June, 2013

Taliyaha Bileyska Oo Ka Hadlay Hawlgalo Ay Ka Fuliyeen Hargeysa Iyo Burco Oo Ay Ku Soo Qabteen Dad Looga Shakiyey Al-shabaab Iyo Xubno Is Hortaagay Hawlgalkaasi

Taliyaha Bileyska Oo Ka Hadlay Hawlgalo Ay Ka Fuliyeen Hargeysa Iyo Burco Oo Ay Ku Soo Qabteen Dad Looga Shakiyey Al-shabaab Iyo Xubno Is Hortaagay Hawlgalkaasi


Hargeysa, June 9. 2013 (Haatuf) – Taliyaha ciidanka Bileyska Somaliland Sareeyo guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan ayaa sheegay in hawlgalo ay habeen hore ciidamada amaanku ay ku sameeyeen Hargeysa iyo Burco ay ku soo qabqabteen 11 qof oo iskugu jira dad looga shakisan yahay Al-shabaab iyo xubno is hortaagay hawlgalkaasi, waxaanu cadeeyay in askari Bileyska ka tirsan oo warbixin bixiyay isaguna ka mid yahay dadkaasi xabsiga loo taxaabay. Taliyaha ciidanka Bilayska Cabdillaahi Fadal Iimaan ayaa sidoo kale sheegay mar uu u waramayey Warbaahinta in agaasimihii hore ee xafiiska xidhiidhka dadweynaha ee Madaxtooyada Cismaan Awr Liqe oo isaga iyo laba wiil oo uu dhalay gurigiisa habeen hore laga soo taxaabay uu is hortaagay hawlgal ciidanku ka fulinayay habeen hore gurigiisa. “Ciidanka Bilaysku waxay habeen hore hawlgalo ka fuliyeen Hargeysa iyo Burco waxaanay ku soo qabqabteen 11 qof oo isugu jira qaar lagu eedaynayo Al-shabaab iyo qaar is hortaagay hawlgalkaasi baadhsita ah, Cismaan Awr Liqe-na waxaa loo soo xidhay waxa uu ka hor yimid hawlgalka ciidanka” Sidaasi waxa yidhi Taliyaha Bileyska waxaanu intaa ku daray “Ninka Bilayska ka tirsani Al-shabaab maaha, laakiin warbixin buu bixiyay”. Dhinaca kale Marwo Hinda Gaaxnuug Cali oo ah xaaska Mujaahid Cismaan Awr Liqe ayaa sheegtay in ciidamadii Bileyska ee habeen hore saqbadhkii gurigooda oo ku yaala xaafada Xero-Awr ee magaalada Hargeysa oo hawlgal ay ciidamada amaanku ay ka fuliyeen ay gurigooda gaadhsiiyeen khasaare culus, isla markaana argagax galiyeen xilli ay hurdeen. Waxaanay intaa ku dartay inay katiinad ku jabiyeen laba wiil oo ay dhashay iyo Aabahood Cismaan Awr Liqe, iyadoo tilmaantay in ciidamadu guriga ka qaateen Mobilo, Kumbuyuutaro iyo ducomentiyo kale oo guriga dhex yaalay, isla markaana ay ciidankaasi qoryo ku qabteen hooyadeed oo boqol jir ah.
Marwo Hinda Gaaxnuug iyo qoyskeeda oo shalay shirjaraa’id ku qabtay gurigooda ayaa sidaasi u sheegtay Warbaahinta waxaanay tidhi “Abaara 1:30-dii habeenimo markay saacadu ahayd ayaa abaabada nalagu soo jabiyay ka dibna rag wajigoodu qufulan yahay oo muraayad xidhan ayaa guriga noogu soo dhacay, ka dibna laba wiil oo aan dhalay iyo aabahood ayay katiinad ku jabiyeen, hooyaday oo boqol jir ahna qori bay ku qabteen markii aan idhi waar maxaa dhacayna? Ee weerarka lanagu soo qaadayna wax jawaab ah way na siin waayeen, caruurtiina sas bay ku rideen mana garanayno falkaa Argagaixiso waxay xukuumadu noogu soo qaaday, garana mayno ilaa hada meel ay geeyeen labada wiil iyo aabahood. Gurigana waxay ka qaateen saddex Mobile iyo Labtop-yo iyo waraaqo guriga dhex yaalay” Marwo Hinda Gaaxnuug oo la waydiiyay in cid kale oo rag ahi ay la joogeen gurigooda iyo in kale, waxay tidhi “Labada wiil iyo aabahood oo kaliya ayaa joogay iyo wiil yar oo 8 jir ah oo isagana ay dhirbaaxo ku dhufteen, xaafadihii jaararka ahaa iyo kuwo masaafad noo jira oo dibada u soo baxayna qoryo ayay ku wada qabteen xitaa dadkii jidadka marayay”.

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: