10 June, 2013

Madaxweyne Waxaan Ku Su’aalay

Madaxweyne Waxaan Ku Su’aalay

By Ugaas Barde


Waxaan ahay muwaadin reer Somaliland ah oo dalkana ku sugnaa intii aynu la soo noqonay qaranimada. Afartii xukuumadood ee ina soo marayba mucaarad ayaan ku ahaa sababtoo ahayd waxa ii muuqda ayaan xukuumadahaa u muuqan. Anigu siyaasi ma ahi siyaasadana shaqo kama dhigto waligay masab kuma doonan qaab beeleed cidna ma odhan I wasteeya.
 Xisbi siyaasi ah ma galin, nin madaxnimo doonayana ma taageerin. Hadaba anigu muddo sanad ah ayaan ku maqnaa miyi oo aan idaacadda uun kala socday waxqabadka iyo mashaariixda xukuumadu fulisay inkastoo balanqaadyadii uu madaxweynuhu barnaamijkiisa ku soo bandhigay markii madaxtinimada dalka u tartamayey aanay wax badani ka hirgalin mudada xilka loo doortayna ay hadda 2 sanno ka hadhsan tahay. Madaxweynuhu wuxuu necbaa mudo kordhinta golaha guurtidu sameeyaan waxaanu ku tilmaami jiray arintaas qayrul sharci, waxaanu golahii guurtidu mutaystay in loo bixiyo golihi muddo kordhinta kuwaas oo dhaxaltooyo noqday oo ninka dhinta ay dhaxlayaan ubadkiisu ama xaaskiisu.

 Hadaba madaxweyne sowtan guurtidiina ay mudadii koradhsatay wakiiladiina ay u kordhiyeen. Madaxweyne waxaad balanqaaday inaad soo dhisi doonto xukuumad kooban tayo leh oo aan beelo ku salaysnayn ee taasi ma suurto gashay? Madaxweyne waxaad odhan jirtay inaad saxaafadda la cabudhin oo ay xor tahay, hase ahaatee waagii hore waa la xidhi jiray hadase waxa la gaadhay heer ah in hub lagu weeraro wargaysyada. Miyaanay ahayn arin u baahan in degdeg wax looga qabto. Maaxweyne waxaan aad ula yaabanahay nin aan soo dhaweyntiisa look ala hadhin oo 22 sanadood dalkan dagaal kula jiray. Waa yaabe ma sir culus ayuu inaga hayaa oo aynu ku laaluushaynaa? Mise isaga ayaa wax inoo sida? Mise inagaa noqonay islaantii nin walba u-jaba? Kolay waxaan filayaa in xukuumaddu arin weyn ka leedahay oo aan la’aantii suuragalayn.

Madaxweyne masaajidkan la yidhi……..

La soco qaybta dambe




http://samotalis.blogspot.com/

No comments: