10 June, 2013

Xulalka Kubadda Cagta Iyo Kollayga Ee Gobolka Gabiley Oo Dhuunta U Gallay Gobolkii Togdheer Oo Labadaba Ka Ree


Xulalka Kubadda Cagta Iyo Kollayga Ee Gobolka Gabiley Oo Dhuunta U Gallay Gobolkii Togdheer Oo Labadaba Ka Reebay

Hargeysa (Halbeegnews)–09/06/2013– Xulka kubadda cagta ee gobolka Gabiley ayaa laba iyo waxba la’aan ku diray xulkii kubadda cagta ee gobolka Togdheer oo iyaga dhawaan cayaartii labaad markii ay lahaayeen xabsiga lagu guray ka dib markii wasiirka cayaarahu warbaahinta u sheegay in ay ku kaceen qabyaalad ay laba dhinac u kala baxeen iskuna dileen.

Haddaba xulka kubadda cagta ee Gabiley oo ahaa xulkii iyagu guushii ugu danbeeyey ee tooska ah ka gaadha xulka kubadda cagta ee Togdheer ee sababay in xulkaasi isku khilaafo qaab ciyaareedkooda ayaa caawa waxaa xulka kubadda kollayga ee gobolka Gabiley ay sidoo kale marlabaad u raaciyeen xulkii gobolka kubadda kollayga ee Togdheer guul darradii labaad ka dib markii ay cayaar layaableh kaga badiyeen xulkii kubadda kollayga ee gobolka Togdheer.

Cayaarta oo caawa ka dhacday garoonka kubadda kollayga ee Timacade ee xaafadda Lix iyo labaatanka june ee caasimadda Hargeysa ayaa kooxdii u cayaaraysay kubadda kollayga ee gobolka Gabiley waxay ku dhufteen kooxdii gobolka Togdheer 36 dhibcood halka kooxda Togdheerna ay keliya dhashatay 12 dhibcood taasi oo ah guul aad u balaadhan.

Guul darradani labaad ee ku timid xulka kubadda kollayga ee gobolka Togdheer ayaa sabab u noqotay inay ka baxaan tartanka kubadda kollayga oo gobolka Gabiley uu markii labaad ka takhalusay gobolka Togdheer, waxaana la odhan kara gobolka Gabiley wuxuu laf dhuun gashay ku noqday gobolkii Togdheer.

Halbeegnews, Hargeysa

contact@halbeegnews.com




http://samotalis.blogspot.com/

No comments: