27 May, 2013

Madax-Dhaqameedka Beesha Ciidagale Oo Muddeeyey Shirweyne Ay Beeshu Qabanayso Iyo Meeshay Ku Qabanayso subscribe

Madax-Dhaqameedka Beesha Ciidagale Oo Muddeeyey Shirweyne Ay Beeshu Qabanayso Iyo Meeshay Ku Qabanayso
subscribe

Madax-dhaqameedka Beesha Ciidagale Oo Muddeeyey Shirweyne Ay Beeshu qabanayso iyo meeshay ku qabanayso

Hargeisa-(Qaran-news)-Salaadiinta,Waxgaradka,Odayaasha,Aqoonyahanka,Ganacsatada iyo Cuqaasha beesha Ciidagale ayaa mudeeyay Shirweyne ay yeelan doonto beeshu oo uu ku baaqay Suldaan guud ee beelaha Ciidagale Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir iyo Ururka GAROODI ,kaas oo la sheegay inuu ka dhici doona degmada Aw Barkhadle y 25/6/2013.

Sidaasna waxaa lagu sheegay baaq ay soo saareen hal-doorka madax-dhaqameedka beesha oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay xafiiska Qarannews Hargeisa una dhigan sidatan:-

"Anaga oo ah Salaadiinta, Waxgaradka, Odayaasha, Aqoonyahanka, Ganacsatada iyo Cuqaasha beesha Ciidagale-weyne ee magacyadoodu hoos ku xusan yihiin, kadib markii aanu maanta isugu nimid shir qaatey muddo lix sacadood ah oo uu shirgudoominayey Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir,kadib dood iyo falaqeyn dheer waxaanu isla garanay oo aanu si buuxda u taageernay shir-weynaha uu ku baaqay Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir iyo Ururka GAROODI oo horaanta 8/6/20013 uu shirka hore ka dhici doono Magaalada London ee Cariga Ingiriiska,Shirkaas oo loogu magac-daray 'Barkhad Wan',isla markaana u sii gogol-xaadhaya shirweynaha guud ee ay beeshu u dhan tahay kana dhici doona Degmada Aw Barkhdle ee Gobolka Maroodijeex taariikhdu markay tahay 25/6/2013,Shirweynaha guud oo loogu magac-daray "Barkhad laba"

Shirkaas oo ah shir dhaqan oo ay beeshu aayaheeda kaga tashanayso, isla markaana waafaqsan jiritaanka qaranka Somaliland iyo xukuumada talada haysa ee uu hogaaminayo Madaxweynaha Somaliland Md.Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).
Shirkanina waxa uu la mid yahay Shirarka kale ee ay beelaha Somaliland qabsadaan.

Sidaa daradeed, Waxay beesha CiIdagale-Weyne taageersan tahay, jiritaanka iyo gooni isutaaga Somaliland iyo ilaalinta nabadgelyada oo ay beeshu kaalin laxaad leh kaga jirto.
Magacyada ku saxeexan baaqana waxay kala yihiin sidan:
1. Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir.
2. Suldaan Maxamed Cabdilaahi Galaal.
3. Suldaan Cawil Maxamed Fiiqle
4. Chief Caaqil Xasan Badmaax Maygaag,ahna guddomiyaha Cuqaasha Beesha.
5. Chief Caaqil Aabi Caaqil-Yare
6. Chief Caaqil Cali Axmed Cabdilaahi
7. Chief Caaqil Khadar Maxamed Axmed
8. Chief Caaqil Faysal Maxamed Axmed Guun
9. Chief Rashiid Cabdilaahi Faajeer
10. Chief Caaqil Liibaan Fadhfadhle
11. Caaqil Cali Jaamac Kaahin
12. Caaqil Maxamuud Cabdi Biite
13. Caaqil Cumar Cabdi Gurey
14. Caaqil Cali Maxamed Xuseen
15. Caaqil Cabdilaahi Axmed Diiriye
16. Caaqil Cali Cabdi Wacays
17. Caaqil Maxamed Indha-cade
18. Caaqil Gacan Axmed Muuse Afweyne
19. Nabadoon Maxamed Ibraahim Khuuriye
20. Oday Cumar Xaaji Daahir (Cumar Tareydh).
21. Oday Xasan Ismaaciil
22. Oday Ciise Aw Maxamuud Xaashi (Ciise Ruush)
23. Oday Xuseen Xasan Bad-maax
24. Ganacsade Axmed Cabdi Biite
25. Ganacsade Cabdinaasir Ciise Muuse
26. Eng.Cabdikariin Maxamed Nuur (Bitijoor)
27. Aqoonyahan Xasan Cabdiqaadir Kaarshe
28. Abwaan Cawil Ismaaciil Aadan
29. Ibraahim Xasan Carablow (Ibraahim Dheere)
30. Sheekhal Baladka Magaalada Hargeysa Sh. Ismaaciil Maxamed Ciise
31. Xuseen Ibraahim Askar
32. Ganacsade Cabdi Beekin Cismaan
33. Ganacsade Axmed Barawaani
34. Chief Caaqil Baashe Aw Aadan
35. Oday Khadar Axmed Like

Qarannews

Hargeisa

No comments: