27 May, 2013


Sawiro Muujinaya Mid Ka Mida Labadii Wiil Ee Bireeyay Askariga Ingiriiska Ahaa Oo La Qabtay Isagoo Ka Gudbaya Xuduuda Kenya-Somaliya Iyo ….Writen by Qaran News

Sawiro muujinaya mid ka mida labadii wiil ee bireeyay Askariga ingiriiska ahaa oo la qabtay isagoo ka gudbaya xuduuda Kenya-Somaliya iyo ….

Nairobi-(Qaran-news)-Micheal Adelo oo ahaa mid ka mid ah labadii wiil ee madowga ahaa ee dhawaan ku bireeyay badhtamaha London Askari ingiriisa ayaa wargeysada ka soo baxa dalka Kenya xaqiijiyeen in badhtamaihii sanadkii 2010kii la qabtay isagoo ka gudbaaya xuduuda u dhaxaysa Kenya iyo Soomaliya, kuna sii jeeday Somaliya,damacsanaa inuu ku biiro Xarakada Alshabaab.

Micheal Adelo ayaa la sheegay inuu horgale ama horjooge u ahaa koox Dahlinyaro Ajaaniba oo lagu qabtay xuduuda Kenya iyo Somaliya kuwaas oo xabsiga loo taxaabay,mudo yar ka dibna la horgeeyay maxakmad ku taala magaalada Mombasa.

Micheal Aelo ayaa ku dooday in la faraxumeeyay mudadii uu ku xidhnaa jeelalka wadanka Kenya.



Sawirkani wuxuu muujinyaa Micheal Adelo oo maxakmada lagu saarayo magaalada monbasa ee dalka Kenya sanadkii 2010-kii.



Sidoo kale sawirkani wuxuu muujinayaa Micheal Adelo oo la hadlaaya warbaahinta,kuna sugan xaafada woolwich, London Goobtii uu ku bireeyay Askarigii ingiriiska ahaa.

Qarannews

Hargeisa http://samotalis.blogspot.com/

No comments: