27 May, 2013

“Anaga Ayaan Sidii La Rabay Dunida Uga Iibinin Qadiyadayada Oo Waa Dhaliil Xagayaga Ah

, Ta Labaad Waa Masar Oo Iyadu Danaheeda Webiga Niil Eeganaysa Oo Naga Xanibtey Dalalka Carabta Iyo Talyaaniga Oo Isaguna Naga Hortaagan Midawga Yurub"Eng Faysal Cali Waraabe

Posted by Nasir001 on May 26th, 2013 and filed under featured, today's top stories. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

"Mabda'a Somaliwayn Ninka S/land Ku Dhex-Fidinayaa Waa Nin Diinta Kiristaanka Ku Fidinaya, Waxaanu Imika Ka Fiirsanaynaa Inaanu Sii Wadno Iyo Inkale Wada-Hadaladii Somalia Noo Socday, Reer S/Land Dhibaato Way Soo Martay Oo Waanu Ka Talaal-Lanahay"

Hargeysa, May 26, 2013 (Halbeegnews) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in qofkii Mabda'a Somalwayn ku dhexfidinaya gudaha Somaliland uu la mid yahay nin Diinta Kiristaanka ku dhexfidinaya, kaas oo gooni isku taaga Somaliland ku sifeeyey lama taabtaan aan marnaba gorgortan laga gali karin.

Eng Faysal Cali Xuseen waxa uu sidoo kale sheegay inay imika Somaliland ka fiirsanayso wada-hadaladii u socday Somalia, kaas oo tibaaxay hadii aanay wax dani ahi ugu jirin sii socoshada wada-hadaladaasi inaanay sii wadi doonin oo ay gabi ahaanba ka bixi doonaan.

Guddoomiyaha UCID Faysal waxa uu ka hadlay caqabadaha hortaagan aqoonsiga Somaliland, kaas oo uu sabab uga dhigay in xukuumadihii Somaliland u kala danbeeyey aanay sidii la rabay dunida ugu iibgaynin Qadiyada dalkan, isla markaana xusay in caqabaha Ictiraafka Somaliland ka hortaagan inay sidoo kale ka mid yihiin dalalka Masar iyo Talyaaniga oo uu sheegay inay Jamhuuriyada Somaliland ka go'doomiyeen Wadamada Carabta iyo Midawga Yurub.

Sidoo kale waxa uu si wayn u taageeray go'aankii ay Wasaaradda Duulista iyo hawada Somaliland ku mabnuucday Duulimaadadii Qaramada Midoobay, kaas oo go'aankii ay UN-ku maamulka hawada Somaliland ugu wareejisay dawladda Somalia ku tilmaamay mid lagu degdegay oo aan laga fiirsanin.

Faysal Cali Waraabe waxa sidaas ku sheegay mar uu u waramayey Idaacad la yidhaahdo SBS oo ku taala Dalka Australia oo uu hada ku sugan yahay, kaas oo sidoo kale ka hadlay arimo door ah. Ugu horayna isaga oo ka hadla

No comments: