17 February, 2013

Wasiir Samaale Oo Shir-Doceedyo Taageero Raadis Ah Kula-Dhex Dhacay Gabiley &Alaybaday Odayaal Tiro Badana Iskugu Keenay Qado Hargeysa Iyo Loolanka Hogaanka Kulmiye Loogu Jiro

Wasiir Samaale Oo Shir-Doceedyo Taageero Raadis Ah Kula-Dhex Dhacay Gabiley &Alaybaday Odayaal Tiro Badana Iskugu Keenay Qado  Hargeysa Iyo Loolanka Hogaanka Kulmiye Loogu Jiro



Hargeysa, February 17, 2013 (Haatuf) – Wasiirka Maaliyadda Somaliland C/casiis Maxamed Samaale ayaa shalay Hadhimo-sharafeed u sameeyey Odayaal tiradoodu ka badan tahay Boqol, kuwaas oo iskaga yimid deegaamada Gobolka Gabiley iyo Hargeysa. Odayaashan oo shalay Buux dhaafiyey Hotel Maansoor oo wasiirka Maaliyada ugu balansanaa qado ayaa la sheegay in Wasiir Samaale uu halkaasi kaga dhawaaqay damaciisa siyaasiga ah, isla markaana sheegay inuu diyaar u yahay inuu u tartamo Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye, taageero-na waydiisto deegaamada uu ka soo jeedo. Sidoo kale talaabadan bilawga u ah hirdanka tartanka jagada Guddoomiyaha Xisbigaasi oo maalmihii u danbeeyey laga dareemayey caasimada Hargeysa ayaa Hadhimo-sharafeeda Mr Sameel ku casuumay waxgaradka beeshiisa ayaa waxay ku soo beegantay xili maalintii Khamiistii la soo dhaafay uu Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi uu Hotel Crown ee Magaalada Hargeysa kulan kula yeeshay Waxgaradka Beeshiisa, kaas oo uu taageero ku waydiistay inay ku garab istaagaan tartanka Guddoomiyaha Kulmiye oo sida la filayo Doorashadiisa la qaban doono dabayaaqada bisha March ee sanadkan. Sidoo kale Shir Doceedkaas Muuse iyo kan shalay ee Samaale oo uu ku casuumay in ka badan Boqolaal Xubnood oo ka soo kala jeeda Jifooyinka beelaha Sacad Muuse ayaa noqonaya Curashadii ugu horeysay ee Daruurtii la filayay inay ka dul hoorto Xisbiga Kulmiye dhexdiisa, taas oo la saadaalinayay inay maalin aan fogayn kaabiga inoo soo saarmi doonto. Ololaha Muuse Biixi ayaa albaabka u furay loolan adag oo uu ku waajahayo sidii uu u hanan lahaa Hankiisa siyaasadeed oo ay horyaalaan qodxaan badan oo kaga soo dhex mudhaysa Hal-door kale oo in badan Hamigooda Siyaasadeed soo huursanaa balse Fursad caynkan oo kale ah la sugayay. Inkasta oo xafladdaha Muuse Biixi iyo Cabdicasiis Samaale ay qabteen Crown iyo Maansoor ay albaabadu u xidhnaayeen. Dhinaca kale waxa la filayaa inay Siyaasiyiin kale oo Damac leh dariiqa soo hayaan, haba ugu cad- cadaadeen Ragii Bud dhiga u ahaa aasaaskii Xisbiga Kulmiye, kuwaas oo uu Hormood u yahay ilaa hada inta la ogyahay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda C/casiis Maxamed Samaale oo ay in badan Muuse Biixi soo ahaayeen saaxiibo isku dhaw, gaar ahaan mudadii Xisbiga Kulmiye. 


Sida ay Wargeyska Haatuf u sheegeen xubno ka qaybgalay Shir-doceedkaas shalay ka dhacay Hutelka Maansoor Wasiir Samaale ayaa waxgaradka beeshiisa ee iskugu timid Hadhimo-sharafeedkaas u soo bandhigay hankiisa siyaasadeed iyo inuu damac kaga jiro hogaanka Xisbiga Kulmiye oo xusay inuu u tartami doono wakhtigeeda, kaas oo sidoo kale la sheegay inuu taageero iyo kalsooni waydiistey beeshiisa. Ilo wareedadaas ayaa waxay intaas ku dareen inuu Muuse Biixi u qadimay waxgaradka beelaha Sacad Muuse ee uu casuumay inuu diyaar u yahay inuu taageero hadii ay beeshu haysto Siyaasi kale oo isaga ka miisaanwayn ama ka iibsami kara beelaha kale ee reer Somaliland, isla markaana tilmaamay inuu tanaasuli doono hadii beeshu isku waafaqdo inay cid kale keensato.


Si kasta ha ahaatee Laalankan adag ka dhex curtey labada masuul ee isku beesha ah ee Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa la saadaalinayaa in xamaasadiisu aad sare ugu sii kacdo mudada ka horaysa shirwaynaha Xisbiga Kulmiye, lana filayaa in ay guushu raaci doonto kolba kooda Xisbiga iyo Xukuumaddu raacdo maadaama labadu isa saran yihiin oo ay isku milmeen.

No comments: