17 February, 2013

Waa Dastuuri In Madaxwayne Siilaanyo Mar Kale Isa Sharixi Karo, Muuse Biixi-Na Waa Inankiisii” Jaamac Shabeel


Waa Dastuuri In Madaxwayne Siilaanyo Mar Kale Isa Sharixi Karo, Muuse Biixi-Na Waa Inankiisii" Jaamac Shabeel


Hargeysa,–Guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cigge (Jaamac Shabeel), ayaa caddeeyay inay dastuuri tahay in Madaxwayne Siilaanyo, mar labaad u tartamo jagada Madaxwaynenimo ee dalka.

Jaamac Shabeel oo maanta warbaahinta kula hadlay Hargeysa, ayaa sidoo kale sheegay in Guddoomiyaha Kulmiye ee wakhtigan Muuse Biixi Cabdi uu yahay Wiilkii Siilaanyo, sidaa daraadeedna aanu ka tartami Karin.

Jaamac Shabeel, waxa uu sheegay inu jiro dib u dhac ku yimid qabsoomida shirwaynaha xisbiga Kulmiye "Xaalada dalka ka jirtaa way saamaysaa xisbiga, maadaama oo uu yahay xisbul xaakimka, markaa waxa socda wada tashiyo ah ma dib-baa loo dhigaa (shir-waynaha xisbiga), kolayba dib u dhac wuu jiraa mar haddii la soo dhaafay wakhtigii lagu dhawaaqi lahaa ee la saari lahaa guddiga (soo xulaysa ergooyinka), in dib u dhac jirana waa wax aan la dafiri Karin, markaa si aanu dib u dhacaasi aanu u sii dheeraan ayaa laga wada tashanayaa" ayuu yidhi 

waxaanu intaa ku daray isaga oo ka jawaabaya su'aal ahayd in Madaxwayne Siilaanyo mar labaad isku sharaxayo Madaxwaynenimada iyo tartanka Muuse Biixi "Taasi waa dastuuri, oo hadal kuma jiro, laakiin isaga ayay ku xidhan tahay, Muuse Biixina waa inankiisii ee ma inan odeygiisa la tartama ayaad aragtay"

Ramaas

No comments: