17 February, 2013

Hawraarta Halbeegnews: Cabdicasiis Samaalow Janno Ka Boodnimada Ha Ku Darsan Jaras Ka Boodnimo Siyaasadeed Musharaxnimo Iyo Xilka Wasaaradda Maaliyaddu Is Qaban Maayaan


Hawraarta Halbeegnews: Cabdicasiis Samaalow Janno Ka Boodnimada Ha Ku Darsan Jaras Ka Boodnimo Siyaasadeed Musharaxnimo Iyo Xilka Wasaaradda Maaliyaddu Is Qaban Maayaan



Hargeysa (Halbeegnews)-17/02/2013- Sunaha siyaasadda ayey tahay in qofka doonaya inuu ummad hogaan u noqda uu is baraxo si uu damiciisa siyaasadeed uga saaro kiisa shakhsiyadeed, caqli maaha maankuna qaadan kari maayo hantidii ummadda ayaan hogaankeeda haya iyo xilkii ummadda ugu saraysay ayaan doonaya xikmadda ugu horaysa ee maskaxda caafimaadka qabta ku soo dhacaysa ayaa waxay tahay "daacadnimada uu Samaale sheeganayo haddii ay ka dhabtahay waa inuu xilka wasaaradda maaliyadda baneeyo una guntado inuu hogaanka qarranka u tartamo".

Hadal macaan oo ku ladhan weedho xadiis iyo suurado quraan ahi ka muuqdaan oo aan qalbi daacad ahi wadan waxaa ka qiimo badan maan iyo maskax ay ka dhabtahay inuu noqdo hogaan aan hiyigiisa cidi ku ladhnayn, isla markaana ka madhan danaysi, kooxaysi, dhabar-taabasho iyo guul wadayn daaha dabadiisa laga soo wado.

Samaalow soomaalidu waxay tidhaahda "Fulay xantiisa ma mooge" reer Hargeysa waxay kugu xantaan nin aan hankiisa siyaasadeed ka daacad ahayn balse danno laga soo maleegay kambuulka qoyska madaxtooyada la doonayo in gidaar madaxa loo geliyo.

Taariikhdu ma fogayn Samaalow eh waxay tolkaagaad codka ka doonaysa ku bidayaan inaad ahayd shallay kabajaagii lagu garaacay wasiirkii hore ee Maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo sumcadda iyo karaamada uu qarranka uu ku lahaa iyadoo la oga markii xilka laga qaaday ee cid weliba isweydiinaysay tallow yaa lagu bedeli aad kala garan wayday xilkaad haysay kana door biday inaad intaad hoos isku soo dhaadhiciso aad Maxamed Xaashi bedeshay.

Samaalow xubnahii aad kaaba-qabiiladooda maanta hor fadhiday waxay maantana is weydiinayaan Samaale ma waysadii Siilaanyo u adeegsanaayey cid kasta oo uu ka takhalusa.

Hawraarta Halbeegnews waxay leedahay Cabdicasiis Samaale xaq ayuu u leeyahay inuu is sharaxo oo u u tartamo hogaanka qarranka balse hankiisa ka hor waxaa looga fadhiya inuu xilkii ummadda ku soo celiyo kiisa shakhsiyadeedna u fara dhuudhuubnaado, waxaa kale oo hawraartu kula talin lahayd Samaale inuu tallada haweenka ka hadho kuna bedesho tallada waayeelka, lagana qurux badan inaad tallada ka badsato madbakha madaxtooyada..

Hawraartu waxay isweydiinaysa magacii Samaale ay reer Hargeysa u bixiyeen waagii uu u tartamaayey kursiga golaha wakiiladda Somaliland sannadkii 2005-tii ee ahaa Janno Ka Bood oo ay ula jeedeen inuu siyaasaddii masaajidka uga soo baxay tallow maantana miyu ku bedeli doona Jaras Ka Boodbal adba

Halbeegnews, Hargeysa

halbeegnet@gmail.com

No comments: