12 February, 2013

Maxakamada Hargeysa Oo Xukun ku riday Gabadhii fariinta U dirtay Wasiirka Madaxtooyada Somaliland

Maxakamada Hargeysa Oo Xukun ku riday Gabadhii fariinta U dirtay Wasiirka Madaxtooyada Somaliland
Maxkamadda ayaa muddooyinkii Ugu dambeeyay Ku hawlanayd dhagaysiga Dacwadani oo....

Hargeysa(GNS)- Maxkamadda Gobolka Maroodijeex ayaa Xukun ku riday Gabadhii u xidhnayd inay fariin Aflagaado ah u dirtay Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali X. Xasan 

Gabadhan oo Lagu magacaabo Nadra Maxamed Jaamac , dacwadani oo haatan muddo ka socotay Maxkamadda Gobolka Maroodijeex ayay maxkamaddu maanta ku dhawaaqday inay Gabadhaasi Ku Xukuntay Siddeed Bilood oo xadhig ah . 

Maxkamadda ayaa muddooyinkii Ugu dambeeyay Ku hawlanayd dhagaysiga Dacwadani oo muddooyinkii ugu dambeeyay siweyn isha loogu hayay Balse Maxkamadda Gobolka Maroodijeex oo Saaka Ku dhawaaqday Go,aanka kani ay ku xukuntay Gabadhani ayaa Noqonaya natiijaddii ugu dambaysay ee Maxkamadda Gobolka Maroodijeex kasoo saarto Dacwadani. 

Wasiirka Madaxtooyadda somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo Maalintii shalay ka hadlay Dacwadani u Dhaxaysa isaga iyo Marwadani Lagu Magacaabo Nadra Maxamed Jaamac ayaa sheegay inay fariintani ahayd mid aad u fool xun oo fawaaxishnimo ah taasoo aan kaliguu ku koobnayn balse waxa ka sheegaysa isaga iyo qoyskiisa iyo ka madaxtooyadaba 

C/shakuur Maxamuud 
Gabiley News Reporter 
Hargeysa Somaliland

No comments: