12 February, 2013

Wadani waxaanu u sheegaynaa kulmiye iyo xukuumadiisa midna ma yaqaano Telephonka maxkamada sare ee Xamar iyo ka Ismaaciil Buubaa oo habeenkii lama sheekaysano Xantaasina Anaga nama qabato.”Muuse Biixi.

Wadani waxaanu u sheegaynaa kulmiye iyo xukuumadiisa midna ma yaqaano Telephonka maxkamada sare ee Xamar iyo ka Ismaaciil Buubaa oo habeenkii lama sheekaysano Xantaasina Anaga nama qabato."Muuse Biixi.

Hargeysa (Waaheen):-Gudoomiyaha xisbiga muxaafidka ee KULMIYE muj-Muuse Biixi Cabdi  ayaa si adag uga jawaabay Hadalo ka soo yeedhay masuuliyiinta xisbiga mucaaridka ah ee WADANI kaas oo ay ku dhaliileen siyaasada Arimaha Gudaha iyo dibada ee Xukuumada Madaxweyne siilaanyo ,ayuu Gudoomiyaha kuliya ku timaamay mid xaqiiqada ka fog waxaanu sheegay inuu madaxweynuhu ingiriiska u tagay Gudashada waajibaadkiisa shaqo ee bulshdau u dooratay.

Sidaasi wuxuu ku sheegay  khudbad uu ka jeediyey munaasibad ay ku midowbayeen xisbiga kulmiye iyo Urur siyaasadeedkii hadhay ee Dalsan waxaanu yidhi "Xisbiga Wadani shirkii jaraa'id ee ugu Horeeyey ee mucaaridnimo ee ay qabtaan waxay yidhaahdeen umada somaliyeed mugdi baa kaga jira Garana mayno wixii madax weynuhu u baxay waxaanu leenahay xisbiga Wadani madaxweynuhu wuxuu u baxay xilkii loo doortay ee ay umada Reer Somaliland U dooratay oo ah inuu Qarankan Hawlihiisa waxkasoo qabto Oo uu Caalamka kala soo xidhiidho,

mid mugdi ku jirana may ahayn ee waxay u muuqataa Xisbiga Wadani inuu u badheedhay inuu u sheegay maraykan iyo ingiriis madax weynaha anagu ku ma kalsoonin hadaanu wadani nahay oo nama matalo Eray ah ayuu dirayaa warkaa ay direen taasina milgihii qaranimo maaha"

Gudoomiyaha Xisbiga KULIYE muj- Muuse biixi sidookale wuxuu kadeeyey inaanay Jirin wax xidhiidha oo ka dhexeeya Xamar markale isagoo arimahaasi ka hadlaya wuxuu yidhi "Wadani waxaanu u sheegaynaa kulmiye iyo xukuumadiisa iyo dadka uu hogaamiyo toona lagu tuhmi maayo Xamar laguna tuhmi maayo,

Wadani waxaanu u sheegaynaa kulmiye iyo xukuumadiisa midna ma yaqaano Telephonka maxkamada sare ee Xamar iyo ka Ismaaciil Buubaa oo habeenkii lama sheekaysano markaa Xantaasi anaka nama qabato". ugu dambayntii wuxuu Gudoomiyuhu Bushada kula dardaarmay inay inay danta qaranka u midoobaan.

Waaheen Hargeysa Desk

abdi shakuur Mahmoud

No comments: