12 February, 2013

Boqor Raabi Yuusuf C/laahi Oo Ciidanka Boolisku Xabsiga u Taxaabeen Kadib Markuu Kasoo Laabtay Safar Uu Ugu Maqnaa Magaalada Muqdisho.

Boqor Raabi Yuusuf C/laahi Oo Ciidanka Boolisku Xabsiga u Taxaabeen Kadib Markuu Kasoo Laabtay Safar Uu Ugu Maqnaa Magaalada Muqdisho.
Boqorka ayaa waxa lagu qabtay Xarunta Wasaarada Duulista Iyo Hawada Ee....

Hargeysa(GNS):- Boqor Raabi Yuusuf C/laahi oo ka mid ah boqorada Somaliland ayaa goor dhawayd Ciidamada Booliska Ee Somaliland ku xidheen xabsi ku yaala Hargeysa. 

Boqorka ayaa waxa lagu qabtay Xarunta Wasaarada Duulista Iyo Hawada Ee Somaliland oo uu ku sugnaa. 

Boqor Raabi ayaa isla shalay ka soo laabtay Magaalada Muqdisho halkaasi oo aan la hubin intii uu ku maqnaa sababta uu u joogay 

Ciidamada Bileyska Ayaa xidhay boqorka isaga oo markaa ku sugan Xafiiska Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Duulista Iyo Hawada Somaliland Waxaaana Boqorka Loo Kaxeeyey Dhinaca Saldhiga Dhexe Ee Caasimada Hargeysa iyada oo aan la ogayn inlasiidayn doono iyo inkale. 

Hadaba wixii warar ah ee ka soo kordh Arintaa kala soco shabakada wararka ee Gabilley news . 

Gabiley News Desk 
Contactgabiley@yahoo.com 
Hargeysa Somaliland

No comments: