12 February, 2013

Waaxda Socdaalka Wadanka Denmark oo Shaaciyay in ay Celinayaan Somalida Magangalyo Doonka ka dib markii Magaalada Muqdisho Nabadawday.

Waaxda Socdaalka Wadanka Denmark oo Shaaciyay in ay Celinayaan Somalida Magangalyo Doonka ka dib markii Magaalada Muqdisho Nabadawday.
Waaxda socdaalka Denmark ee afka Danish-ka lagu dhaho (Udlændingestyrelsen)

Saraakiisha waaxda socdaalka ee dalka Denmark ayaa sheegay in xaalada magaaladda Muqdisho ay tahay mid soo hagaagtay sidaasi daraadeed lagu soo celin karo magaaladda dadka magan gelyo doonka ah ee ku sugan dalka Denmark 

Waaxda socdaalka Denmark ee afka Danish-ka lagu dhaho (Udlændingestyrelsen) ayaa go'aankan ku saleysay warbixin ay magaaladda Muqdisho ka keenaan guddi wadajir ah ee dalalka Denmark iyo Norway kaasi oo booqday Muqdisho bishii Oktoobar ee sanadkii 2002-da. 

Guddigaasi ayaa sheegay in magaaladda Muqdisho ay tahay meel nabad gelyo ah oo lagu celin karo dadka aan laga oggolaan codsiga magan gelyo doonka ama deganaashaha. 

"Guddiga wadajirka ah ee booqday muqdisho waxay inoo sheegeen in xaaladda ammaanka ee Muqdisho ay si weyn u soo hagaagtay ," ayuu yiri Jakob Dam Glynstrup, oo ah madaxa qeybta soo galootiga ee waaxda socdaalka ee dalka Denmark mar uu soo saaray warsaxaafadeed ku saabsan arrintan. 

Mr. Jakob ayaa hadlkiisa ku sii daray in imminka dowlad cusub ay ka jirto Muqdisho ayna sii kordhayaan dadka ku laabanaya Soomaaliya. 

Waaxda socdaalka ee dalka Denmark ayaa tilmaamtay in dalka Norway uu goor horaba bedelay arrigtida dadka qaxootiga ee ka yimaada Soomaaliya. 

Dhinaca kale hay'ad caawisa dadka magan gelyo doonka ah ee dalka Denmark taga lana yiraahdo Dansk Flygtningehjælp ayaa ku doodeysa in qiimeynta guddiga isku dhafka ee Denmark iyo Norway ka soo sammeeyeen magaaladda Muqdisho ay tahay mid qaldan waxayna hay'adda sheegtay in hay'adda Q.M u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ay soo saartay qiimeyn tilmaameysa in khataraha xagga ammaanka ee magaaladda Muqdisho iyo qeybaha kale ee Soomaaliya ay tahay mid aad u sarreeysa. 

"Aragtideena, waa mas'uuliyad xumo in dad la isaga celiyo Muqdisho oo aysan joogin mas'uuliyiin dammaanad qaadi kara ammaanka'' ayuu yiri xogayaha guud ee hay'ada caawisa qaxootiga ee dalka Denmark, Andreas Kamm, mar uu la hadlay jariirad ka soo baxda isla dalkaasi oo la yiraahdo Politiken. "Magaaladda waxaa argagixin ku haya maeeshiyo sammeysa sida ay doonto, heerka rabshada iyo kufsigana waa uu sii kordhayaa." Ayuu yiri Mr. Andreas. 

Andreas Kamm oo sii watay hadalkiisa ayaa intaasi ku daray in dowlada Soomaaliya ay weli ku jirto dagaal ay ku dejineyso dalka ka dib waqti dheer oo dagaalo iyo fowdo ah. 

"Xaaladda waa ay hagaagtay laakiin lama dhihi waa nabad buuxda ," ayuu yiri Kamm said. "Haddii dadka weli ay isku biimeenayaan badda Yemen si ugu baxsadaan dalka, wad fahmi kartaa xaaladda in ay tahay mid aan wanaagsaneen, waa halis dad badan ayaana ku qaraqma badda Yemen iyo Soomaaliya iyaga ka cararaya Soomaaliya,, Ayuu yiri Mr Kamm. 

Sida ay sheegtay hay'adda socdaalka dalka Denmark, waxaa sanadkii aynu soo dhaafnay sare u kacay tirada Soomaalida sharciga deganaanshaha ka helay dalkaasi iyaga oo gaaray 900. marka loo barbar dhigo sanadkii 2011, waxaa sharciga deganaanshaha ka helay Denmark 18 ruux halka sanadkii 2010-ka tirade dadka helay sharciga deganaanshaha ay aheyd That is compared to only 18 in 2011 and 35 in 2010. 

Waxaa imminka la sheegayaa in Soomaalida magan gelyo doonka ah ay hadda racfaan ka qaadan karaa go'aankan iyaga oo u dacwoonaya maxkamada qaxootiga si loo arko haddii wax laga bedel karo go'aanka 


Gabiley News Desk

No comments: