27 January, 2013

“Ma jiro khilaaf Noo Dhexeeya Aniga Iyo Dawladda Aan Ka Tirsanahay

"Ma jiro khilaaf Noo Dhexeeya Aniga Iyo Dawladda Aan Ka Tirsanahay
Kayse Cabdi Yuusuf, waxa uu meesha ka saaray in wax khilaaf ahi u dhaxeeya isaga iyo xukuumadda..............

Widhi-Widh (GNS) – Wasiiru-dawlaha Arimaha bariga Somaliland Kayse Cabdi Yuusuf soo ku sugan Magaalada Widh-Widh Ee gobolka Sool, ayaa ka hadlay warar maalmihii u dambeeyay warbaahinta baahinaysay oo la xidhiidha inuu jiro khilaaf soo kala dhex galay Kayse iyo xukuumadda tallada haysa. 

Kayse Cabdi Yuusuf, waxa uu meesha ka saaray in wax khilaaf ahi u dhaxeeya isaga iyo xukuumadda Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxaanu sheegay inuu Magaalada Widh-Widh u joogo hawlo xukuumaddu ka warhayso. 

Wasiiru-dawaha arimaha bariga Somaliland, waxa kale oo uu ka hadlay dagaalada Maleeshiyaadka Falaagada Khaatumo ka wadaan deegaanada Sool, gaar ahaan Xuddun, waxaanu sheegay inaanu waxba ka ogeyn waxa wakhtigan soo cusboonaysiiyey. 

Wariiru-dawle Kayse Cabdi Yuusuf oo Maanta u waramayey Telefiishanka Madaxa-banaan ee HCTV, ayaa isaga oo ka jawaabaya su'aal la xidhiidha inuu khilaaf soo kala dhex galay xukuumadda "Ma jiro khilaaf noo dhexeeya aniga iyo dawladda aan ka tirsanahay" 

Kayse Cabdi Yuusuf, oo la waydiiyay waxa uu u joogo Widh-Widh wakhtigan ayaa yidhi "Widh-Widh waxaan u jooga shaqo la og-yahay" ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray isaga oo ka hadlaya dagaalada bariga ka soo cusboonaaday "Weeraradaasi ma garanayo waxa soo cusboonaysiiyay, waa in iyagga (Kooxda Khaatumo) la weydiiyo" 



Gabiley News Desk 
Hargeysa

No comments: