27 January, 2013

Marwada Koowaad Iyo Masuuliyiin Door Ka Qayb-galay Furitaanka Qayb Ka Mid Ah Cusbitaalka Carruurta Ee Maxamed Aaden Sheekh


Cisbitaalkan oo noqon doona mid u gaar ah Carruurta isla-markaana qayb ka mid ah..........

Hargeysa (GNS) - Marwada Madaxwaynaha Somaliland Marwo Aamina Xaaji Maxamed Jirde (Aamina-weris) ayaa ka qayb-galay Munaasibad xadhiga lagaga jaray qayb ka mid ah dhismaha Cisbitaalka Carruurta ee ay Hargeysa ka hirgaliyeen qoyska Maxamed Aaden Sheekh oo Cisbitaalkaasi loogu Magac daray.

Cisbitaalkan oo noqon doona mid u gaar ah Carruurta isla-markaana qayb ka mid ah lagu bixin doono tababarada caafimaadka, ayaa waxa furitaanka ka qayb-galay Masuuliyiin ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), Wasiirrada Caafimaadka iyo qorshaynta iyo dhakhaatiir badan. 
Munaasibadan ayaa sidoo kale waxa ka qayb-galay saraakiil ka socotay hay'addaha caafimaadka ee Somaliland ka shaqeeya, kuwaasi oo soo dhaweeyay cisbitaalka Maxamed Aaden Sheekh, kaasi oo laga hirgaliyey halkii uu hore u ahaan jiray Cisbitaalkii Jajabka ee Magaalada Hargeysa, oo sanadkii hore laga raray qoysas danyar ahaa. 
 
Marwada Koowaad oo halkaasi ka hadashay ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay inay ka qayb-gasho furitaanka qaybta maanta la furay, iyadda oo sheegtay in cisbitaalkani wax badan oo loo baahnaa dabooli doono, waxay u mahadnaqday qoyska Maxamed Aaden Sheekh oo ka hor intii aanu geeriyoon ku sii dardaarmay in cisbitaalkan laga dhiso Somaliland, gaar ahaan Magaalada Hargeysa, kaasi oo dhismihiisu socdo, isla-markaana qaybtii koowaad maanta la furay. 
IMG_8225 
Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Somaliland Dr Xuseen Maxamed Muxumed (Xoog) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in wasaarad ahaan ay ka go'an tahay inay dhamaystiraan guud ahaan agabyada cisbitaalku u baahan yahay marka la dhamaystiro, isla-markaana horeba u diyaariyeen shaqaalihii ka hawlgali lahaa. 
IMG_8220 
IMG_8235 
IMG_8236 
IMG_8240 
IMG_8241 
 
IMG_8214 
IMG_8211 
IMG_8210 


Gabiley News Desk 
Hargeysa

No comments: