27 January, 2013

Cudurada Maskaxda Ibnu Adamka Bakhtiiya


Cudurada Maskaxda Ibnu Adamka Bakhtiiya


Haddii baabuur uu istaago mishiinkiisu halkaa uu marayo ayuu ku bakhtiyaa oo socod danbe lagama eego. Computer haddii fayras galena wixii ku jirey oo dhan ayaa isku yaaca oo amma uu is masaxaa ama is bakhtiiyaa.
Waxa hadaba jira cuduro maskaxda ibna adamka bakhtiiya ama sida fayraska khalkhaliya. Cudurkaasi wuxu abbaaraa oo uu bakhtiiyaa qeybta diintu kaga jirto maskaxda ibnu adamka. Waxa kaloo uu fayraskani bakhtiiyaa qeybta dadnimada iyo qeybta sababeynta iyo wax isweydiinta ee maskaxda ibnu adamka. Haddii aan dhakhso looga daweyna, cudurkani waxa uu ibnu adamka ka dhigaa xayawaan dad cun ah. Cuduradaas waxa maskaxda ibnu aadamka bakhtiiya wax aka mida Qabyaaladda. Bal hadda akhri labadan dhacdo, si ad u fahamto waxa an ka hadlayo:
Abdi Bshiir Indhabuu, IHUN, wuxu ahaa abwaan Soomaaliyeed oo noloshiisa ku dhameystey ammaanta kacaankii iyo Dawladdii Mohamed Siyaad Barre. Waxa uu sameeyey heeso aad u tiro badan oo wadani ah laga soo bilaabo 1970 illaa 1990 gii. Waxa uu suugaanta bilaabey isaga oo askari ah ilaa iyo uu ku gaadhey sarkaal korneyl ah. Waxaasoo dhanna waxa uu ku helay ammaanta dawladdii hore, gaar ahaan Siyaad Barre.
Markii dagaalku ka dhacay magaalada Muqdisho dhamaadkii 1990, ayaa Abdi Bashiir Indhabuur ka qaxay gurigiisii oo ku yaalley Iskoola Boliisiya. Dagaalkii oo aan weli dhammaan ayuu ku soo noqdey gurigiisii si uu uuga qaato alaab. Waxa joojiyey askar ay Siyaad Barre isku reer yihiin. Inta ay dhinac uula baxeen ayay toogteen, halkii ayaanu ku dhintay. Askartani si fiican ayay u garanayeen marxuumka oo garasho ayaaney u dileen. Marxuumkaas noloshiisa ku soo dhameystey taageerada Mohamed Siyaad Barre iyo dawladdiisii, waxa dilay askar ka tirsaneyd qabiilka Siyaad Barre, sababtoo ah wuxu ahaa nin Hawiye ah. Waa la yaab.
Ilahey ha u naxariiste Professor Ibrahim Mohamoud Abyan waxa uu ahaa aqoonyahan iyo Mufakar Soomaliya oo dhan can ka ahaa. Waxa uu ahaa guddoomiyihii Machadkii la odhan jirey SIDAM oo aad can u ahaa. 21 sanadood ee Siyaad Barre waddanka haystay, marxuumku waxa uu ahaa mucaarid aan gabban. Waxa uu meel kasta iyo goor kasta kaga dhawaaqi jirey in Siyaad Barre iyo dawladdiisu ay ahaayeen budcad aqoon laawayaal ah oo dalka halaag ku ridaya. Xitaa markii Siyad Barre xoogga ahaa ee aan cidi ka daba hadli jirin, Professor Abyan marna lamuu gabban jirin dhaliishiisa dawladda.
Markii uu dagaalku ka dhacey Muqdisho dhamaadkii 1990 gii , Abyan waxa uu u qaxey jamaacadda Lafoole. Markii loo sheegay ee la yidhi waakaa Siyaad Barre Muqdisho ka baxay, ayuu Abyan saaxiibadii ku yidhi, Muqdisho oo Siyaad Barre laga xoreeyey Ilaahey ma inagu simay. Abyan waxa uu u soo dhaqaaqey dhinaca magaalada. Markuu marayo controlkii magalada laga geliyey ayay joojiyeen maleeshiyaddii meesha taagneyd. Dadkii ayay wareysteen, Abyan iyo nin saaxiibkii ahaa ayay gooni uula baxeen. Waxa ay la teegeen xeraddii askarta ee madaxdoodu joogtey. Abyan iyo saaxiibkii halkii ayaa lagu toogtey oo ay ku dhinteen. Marxuumkaa 21 sanadood dagaalka kula jirey Siyaad Barre, waxa loo diley daarood.
Labadaa marxuumba waxa kala dilay labadii dhinac ee ay noloshooda oo dhan u soo dagaalamayeen oo weliba aan kama' u dilin ee u dilay iyaga oo si fiican u garanaya. Weliba ku daroo, shakhsi keli ihi muu dilin ee waa loo dhamaa oo sarkaal iyo odayaalba wey taagnaayeen.
Dadkan wax diley wax kale mey hayne waxa ku dhacey cudurka qabyaaladda, oo bakhtiiyey maskaxda qeybtii wax isweydiineysey, qeybtii diintu ku jirtey iyo qeybtii dadnimada.
Haddaba marka dabe ee ad aragto qof qabiilku madax marey, ogow inu yahay qof buka oo yu baahan in la daweeyo oo loo gargaaro.

Mohamed Ali Bile

No comments: