27 January, 2013

Guddida Dhaqaalaha Golaha Wakiiladda Oo Kaabis Iyo Wax Ka Badal Ku Sameeyey Xeerka Takaalifta Madaaradda

Guddida Dhaqaalaha Golaha Wakiiladda Oo Kaabis Iyo Wax Ka Badal Ku Sameeyey Xeerka Takaalifta Madaaradda
Guddoomiyaha guddida dhaqaalaha golaha Wakiilada xildhibaan Maxamed Maxamuud

Hargeysa (GNS) – Guddida hoosaadka dhaqaalaha golaha wakiilada Somaliland ayaa wax ka badal iyo kaabis ku sameeyay xeerka takaaliifta nabadgalyada madaarada dalka, oo dhawaan Wasaarada duulistu u soo gudbisay. 

Guddida dhaqaalaha, ayaa waxay wax ka badal ku sameeyeen qodobo uu ka mid yahay qodobka afraad ee xeerkaasi oo banaynayey in qof kasta oo sita tikidh diyaaradeed in laga qaado $ 10 doolar oo lacag ah, waxayna ka dhigeen in qof kasta oo ka yar da'da 15-jirka inaan laga qaadin wax lacag ah. 

Guddoomiyaha guddida dhaqaalaha golaha Wakiilada xildhibaan Maxamed Maxamuud Cumar Xaashi oo mudanayasha golaha Wakiilada Somaliland u akhriyey maanta wax ka badalka ay ku sameeyeen xeerka Madaarada, ayaa yidhi "Qodobka afraad ee xeerka takaaliifta nabadgalyada madaaradu waxa uu leeyahay waxa ku waajib ah dhoofe kasta oo dita tikidh diyaaradeed isla-markaana leh kursi iyo miisaan u gaar ah inuu bixiyo takaaliif lacageed oo dhan $ 10 doolar" 

Guddoomiye Xaashi, waxa kale oo uu soo qaaday "Guddida dhaqaaluhu waxay u dhigeen waxa ku waajib ah dhoofe kasta oo da'diisu tahay 15 jir iyo wixii ka weyn lehna kursi iyo miisaan u gaar ah inuu bixiyo $ 10 doolar, wasiirka duulistu waxa inoo sheegay in aanay inta badan ilaa 12jirka wax takaaliif ah ka qaadin, inagu galin mayno madmadow"ayuu yidhi. 

Gabiley News Desk 
Hargeysa 

No comments: