21 December, 2012

"Xukuumadda Waxaan Leeyahay Idinku-ba Kursiga Doorashaad Ku Timaadeen, Faro-gelinta Ha Laga Daayo Golaha Deegaanka" Maayarkii hore ee Berbera

"Xukuumadda Waxaan Leeyahay Idinku-ba Kursiga Doorashaad Ku Timaadeen, Faro-gelinta Ha Laga Daayo Golaha Deegaanka" Maayarkii hore ee Berbera
Cabdale-sandheere oo maanta ka hadlay fadhigii ay Xildhibaanadda Golaha Deegaanka Berbera ku doorteen Maayarka iyo Maayar..............

Berbera (GNS) - Maayarkii hore ee Degmadda Berbera Cabdale Maxamed Carab (Cabdale-sandheere) ayaa Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay inay faro-gelinta ka joojiyaan Golaha Deegaanka Berbera. 

Cabdale-sandheere oo maanta ka hadlay fadhigii ay Xildhibaanadda Golaha Deegaanka Berbera ku doorteen Maayarka iyo Maayar ku xigeenka Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Cabdishakuur-cidin) iyo Baashe Cabdilaahi Ibraahim (Yacquub) ayaa sheegay inay la shaqaynayaan Masuuliyiinta cusub ee loo doortay hogaaminta Golaha Deegaanka Berbera. 

Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa "Waxaanu aad ugu faraxsanahay 10 sanadood dabadeed in aanu maanta halkan ku doorano Dhalinyaro cusub ee la soo doortay Cabdishakuur Cidin iyo Baashe Cabdilaahi Ibraahim (Yacquub)" 

Waxaanu intaas ku daray "Waxaanu ugu bushaaraynaynaa dadweynaha ku dhaqan Gobolka Saaxil inaanu si wanaagsan ula shaqaynayno, Xil wareejin wanaagsan aanu u samaynayno waxaanan u rajaynayaa Guul" 

Maayarkii hore ee Degmadda Berbera Cabdale Maxamed Carab (Cabdale-snadheere) oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi "Waxaan-se Xukuumadda leeyahay Idinkuba Kursiga Doorashaad ku timaadeen faro-gelinta ha laga daayo Golaha Deegaanka" 

Gabiley News Desk 
Berbera 
contactgabiley@yahoo.com

No comments: