21 December, 2012

Wasiir Hore Oo Xukuumada Iyo Kulmiye Ku Eedeeyey Faro-Galin Ka Dhan Ah Hanaanka Dimuqraadiyada


Wasiir Hore Oo Xukuumada Iyo Kulmiye Ku Eedeeyey Faro-Galin Ka Dhan Ah Hanaanka Dimuqraadiyada

"Sida Muuqata Xukuumadda Iyo Xisbigeeduba Waxay Doonayaan Inay Maayirka Ceerigaabo Ku Bedelaan Mid Ka Soo Jeeda Kulmiye Oo U Dhago-Nugul Dawladda" Eng. Axmed Ubaxle

Toronto,(Qaran news-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warshadaha ee maamulkii Rayaale Eng. Axmed Cali Ubaxle ayaa xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo iyo Xisbul Xaakimka Kulmiye ku eedeeyey Faro-galin qaawan oo ka dhan ah hanaanka dimuqraadiyada, kaas oo sheegay inay xukuumadu damacsan tahay inay Maayarka cusub ee degmadda Ceerigaabo ee gobolka Sanaag Ismaaciil Xaaji Nuur oo ka tirsan ururka Wadani inay ku badasho Xildhibaan Kulmiye ka tirsan oo u dhago-nugul. Xoghaya Arimaha Gudaha urur siyaasadeedka WADDANI Eng. Ubaxle waxa uu sheegay in dhaqamada xukuumada iyo xisbigeeda Kulmiye ay la soo baxeen mudadii lagu gudda jiray hawlaha doorashada deegaanku inay dhibaato amni daro iyo iska hor imaad inay bulshadda ku keeni karto, kaas oo ugu baaqay inay faraha kala baxdo tartanka golayaasha deegaanka ka dhextaagan wakhtigan. Eng. Axmed Cali Ubaxle waxa uu sidaas ku sheegay Qoraal kooban oo uu Xalay Wargeyska Haatuf soo gaadhsiiyey isaga oo ku sugan Magaaladda Toronto ee dalka Kanada, Qoraalkaas oo dhamaystiranina waxa uu u dhignaa sidan:- "Waxaan si ballaadhan u canbaaraynayaa faragalinta qaawan ee xukuumadda iyo Xisbigeeda Kulmiye ku hayaan doorashada maayirka degmada Ceeriagabo, iyaga oo sida muuqata doonaya inay ku beddelaan oo Maayir ka dhigaan mid ka soo jeeda Xusbiga Kulmiye oo u dhago-nugul xukuumadda,isla markaana daacad u ah ugana shaqeeya doorashooyinka soo socda.

Dhaqamada xukuumadda iyo Xisbul Xaakimka Kulmiye waxay meel ka dhac iyo dhaawac ku tahay dimoqraadiyadda iyo xasiloonida degaanka intaba. WADDANI waa xusbi jecel wanaagga dhamaan umadda reer Somaliland na ay isugu mid tahay, wax kasta oo wax yeelaya nabad galyada iyo Xasiloonida dalka ka jiratana way ka soo horjeedaan. Maayirka Ceerigaabo, haddii uu doorasho ku soo baxay isla markaana majooratiga golihii degaanku ay doorteen, maxaa laga rabaa ee fara galinta loogu hayaa, Waxa cad inay sababtu tahay oo kaliya Ismaaciil Xaaji Nuur Waxa uu ka tirsan yahay Xusbiga WADDANI, Aniga oo ah Xoghayaha Arimaha Gudaha ee Xusbiga WADDANI arintaas Xusbi ahaan si cad ayaannu uga soo hor jeednaa, waxii dhibaato halkaa kasoo baxana waxa masuuliyadeeda iska leh ama dusha ku qaadan doonta Dawladda iyo masuuliyiinteeda arimahaa fara-faraynaya. Waxaannu leenahay ka tanaasula, oo faraha kala baxa arimahaasi waxay keenayaan nabad galyo darro iyo xiisad ka dhex aloosanta dadka walaalaha ah ee sida nabadgalyada ah magaalada iyo degaanka ugu wada nool".


Haatuf

No comments: