03 December, 2012

Xildhibaan Nacnac oo la weeraray iyo Qasriga Madaxtooyada oo ciidamo Gurmada u diray!


Xildhibaan Nacnac oo la weeraray iyo Qasriga Madaxtooyada oo ciidamo Gurmada u diray!


Xildhibaan Nacnac oo la weeray iyo Qasriga Madaxtooyada oo ciidamo Gurmada u diray!

Hargeisa-- Xogo Shebekada Qarannews ka heshay ilo xogogaala ayaa xaqiijinaya in xalay shiid sida roobka laga dhigay Guriga xildhibaan Axmed Diiriye Nacnac oo ka tirsan Barlamaanka Somaliland, ayaa u jawaabay shir jar\ iid oo uu qabtay gudoomiyaha ururka Xaqsoor oo ay isku beel ka soo jeedaan.

Xildhibaan Nacnac ayaa Qasriga madaxtooyadu shalay u wakiishey inuu si adag ugu jawaabo Gudoomiyaha urur siyaaseedka Xaqsoor Xasan Ciise Jaamac oo shalay maruu shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa xukumada Kulmiye si kulul ugu eedeeyay inay ku shubatay codadkii doorashada degaanka Gobolada Selel,Awdal,Sool iyo Gebilay,taas oo uu sheegay Xasan Ciise inay nabadgelyo xumo keeni karto.

Xildhibaan Nacnac oo u jawaabaayey Gudoomiye Xasan Ciise Jaamac islahaana u duurxul ayey afkiisa ka soo boodeen weedho qalafsani wuxuuna yidhi isagoo Xasan Ciise u Jawaabaaya “ Afxumo Nabadna waa kaa kaxeysaa colaadna wax kaagama tartee nabada hala ilaaliyo,Uruada dhacoow nabada hala ilaaliyo,Kulmiye waxba kuma shuban igawalee waar hooy nabada hala ilaaliyo! .

Isku soo wada duuboo Xildhibaan Nacnac ayaa markii shied ooda looga qaaday Gurigiisa la xidhiidhay qasriga madaxtooyada,waxaana markiiba loo soo diray ciidamo Gurmada oo badbaadiya isaga iyo Gurigiisaba, kuwaas oo ilaa xalay sida xogaha aanu helay sheegayaan ilaalinaayey Gurigiisa,roondana ka galay xaafadaha ku xeeran si ay ugu badbaadiyaan hadiiba la soo weeraro.

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: