02 December, 2012

NATIIJADDA DOORASHADDII GOLAHA DEEGAANKA SOMALILAND OO DEGMOOYINKA QAAR LAGU DHAWAAQAY IYO SIDA LOO KALA

NATIIJADDA DOORASHADDII GOLAHA DEEGAANKA SOMALILAND OO DEGMOOYINKA QAAR LAGU DHAWAAQAY IYO SIDA LOO KALA 

Natiijooyinka deegamadda lagu dhawaaqay ayaa kala ah Baki, Caynabo, Saylac iyo sheekh kuwaas oo ay ururaddu ku kala horeeyaan.

Degmadda Baki
ee Gobolka Awdal ayaa waxa 5 Kursi oo golaha deegaanka ah ku guulaystay Xisbiga Taladda Haya ee Kulmiye, halka uu kaalinta labaadna soo galay urur siyaasadeedka Wadani oo helay 3 kursi, urur siyaasaddedka UMADDA ayaa isna helay 2 kursi oo ka mid ah golaha deegaanka, halka uu Dalsana ka helay.

Ugu dambayn urur siyaasadeedka Xaqsoor ayaa isna halay 1 Kursi, halka aanay ururadda UCID iyo Rays waxba ka helin liiska kuraasta Golaha Deegaanka ee Degmadda Baki.


Degmadda Ceel Afweyne


Guddida doorashooyinka ee degmadda Ceel Afweyn ayaa ku dhawaaqay Natiijadda codbixinta doorashooyinka, waxaanay ururadu u kala heleen.

Urur siyaasadeedka Kulmiye waxa uu ka helay codadkii la dhiibtay 8 Kursi oo golaha deegaanka ah, urur siyaasadeedka Rays waxa uu kuraasta ka helay 3, Wadani ayaa isna helay 3 kursi, Urur siyaasadeedka UMADDA ayaa isna helay 1 kursi, halka ay dalsan iyo UCIDNA Ka heleen min 1 kursi.

Degmadda Sheekh

Urur siyaasadeedka Kulmiye ayaa ka helay degmadda Sheekh 4 Kursi, halka Uu Wadani ka helay 4 Kursi, UCID ayaa isna ka helay 3 kursi, Dalsan ayaa isna helay degmada Sheekh 1 Kursi iyo urur siyaasadeedka Xaqsoor oo isna ku guulaystay 1 kursi, gabogadiina ururadda rays iyo umadda ayaa faro madhnaan kala noqday degmadda Sheekh.


Degmadda Saylac

Sida wararka ka imanaya degmadda Saylac ee Magaalo Madaxda Gobolka Salal ay sheegayaan urur guddida Doorashooyinka ee degmadda Saylac ayaa ku dhawaaqay natiijadda codbixinta doorashooyinka golaha deegaanka.

Doorashooyinkan oo ay ururadda todobada ahi ku tartamayeen 17-ka kursi ee golaha deegaanka Magaaladda Saylac ayaa waxa 6 ka mid ah ku guulaystay Urur siyaasadeedka Taladda wadanka haya ee Kulmiye, halka uu 4 ka mid ahna qaatay urur siyaasadeedka Wadani, urur siyaasadeedka Xaqsoor ayaa isna 3 ka mid ah ku guulaystay, UCID ayaa isna ku guulaystay 1 kursi, Dalsan ayaa isna qaatay 1 kursi, halka urur siyaasadeedka UMADD uu isna ku guulaystay 1 Kursi, gabogabadiina urur siyaasadeedka Rays ayaan wax kursi ka helin degmadda Saylac.


http://samotalis.blogspot.com/

No comments: