02 December, 2012

Hal Askari Oo Ku Ku Geeriyooday Shil Baabuur Oo Ka Dhacay Jidka U Dhexeeya Hargeysa, Berbera Iyo Saddex Qof Oo Ku Dhaawacmay

Hal Askari Oo Ku Ku Geeriyooday Shil Baabuur Oo Ka Dhacay Jidka U Dhexeeya Hargeysa, Berbera Iyo Saddex Qof Oo Ku Dhaawacmay
Gaadhigan oo dhacay ayaa waxa ku dhaawacmay Madaxii hay’adda Hallo Trust ee Gobolka...............

Lafa-ruug (GNN) – ALLE ha u naxariistee askari ka mid ahaa ilaaladda hay’adda miino saarka ee Hello Trust, ayaa ku dhintay shil baabuur oo ka dhacay duleedka tuuladda Lafaruug ee Gobolka Saaxil. 

Gaadhiga shilka galay oo ahaa gaadhi ay leedahay hay’adda Hallo Trust ayaa waxa ku dhintay askari Magaciisa la odhan jiray Maxamed Ibraahim Hurre, waxaana ku dhaawacmay laba qof oo kale. 

Gaadhigan oo dhacay ayaa waxa ku dhaawacmay Madaxii hay’adda Hallo Trust ee Gobolka Togdheer, haweenay reer Itoobiya ah oo hay’adda shaqaale ka ahayd iyo waliba askari kale oo Magaciisa lagu sheegay Cabdi Jaamac Qaalib. 

Shilkan oo dhacay makhribkii Caawa ayaa waxa dadkii ku dhaawacmay la gaadhsiiyay cisbitaalka guud ee Magaaladda Berbera, si halkaasi loogaga daaweeyo dhaawacyadda ka soo gaadhay Shilkan. 

Inkasta oo shilalka gaadiidka ee ka dhaca Somaliland ay badan yihiin, haddana gaadhigan hay’addu leedahay ayaa noqonaya kii ugu horeeyay dhaca in ah in muddo ah, waxaana yar gaadiidka hay’addaha caalamiga ah ee shilalka galla. 


Gabiley News Desk 
Hargeysa

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: