02 December, 2012

Komishanka Oo Sheegay Inay Ku Guddo-jiraan Tirinta Codbixinta Magaaladda Hargeysa

Komishanka Oo Sheegay Inay Ku Guddo-jiraan Tirinta Codbixinta Magaaladda Hargeysa
Guddoomiyaha Komiishanka Ciise Yuusuf Maxamed (Xamari) oo maanta la hadlay...........

Hargeysa (GNS) - Komiishanka doorashooyinka qaranka oo la wareegay tirinta codadka laga dhiibtay doorashadda golayaasha deegaanka, ayaa sheegay in kooxo gaar ahi u xil-saaran yihiin tirinta iyo hubinta codadka. 

Komiishanku waxa uu sheegay in tirinta codadka ay isku bedalayaan kooxo badan oo loo xil-saaray, waxaanu tilmaamay in si taxader loo hubinayo codadka la kala helay iyo ururada siyaasada ee tartamay u kala u kala heleen codadka muwaadiniintu ka dhiibteen doorashadda. 

Guddoomiyaha Komiishanka Ciise Yuusuf Maxamed (Xamari) oo maanta la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay sidan “Illaa Imika wax socota Tirinta cododka Doorashada Golaha deeganka”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Runtii Kooxdii habeen hore 8:00-dii gashay waxay ka soo baxeen 5 Subaxnimo, kooxdaana waxa bedashay koox kale” 

Guddoomiyaha Komiishanku waxa uu tilmaamay in sababta wakhtiga intaasi le’eg loo bixinayaa ay tahay sidii si taxadar leh loogu hubin lahaa codadka “Waxa wakhtiga intaasi le’eg la tirinayaa waa codadkii, waana la hubinayaa oo si taxadar leh ayaa loo tirinayaa”ayuu yidhi waxaanu intaasi sii raaciyey in natiijadda la sheegi doono wakhtiga ugu haboon “Natiijadda wakhtiga ugu haboon ayaanu soo saraynaa” 

Ka sakow hadalka Guddoomiyaha, waxa uu suuqyadda la soo galiyey warar baro-bagaando ah oo sheegaya in ururadda iyo xisbiyadda qaar hadheen, taasi oo keentay in dhalinyaro warkaasi qaatay oo cadhaysan ay xaafadaha Hargeysa qaarkood iska soo urursadaan si ay rabshado u sameeyaan, balse ciidamadda boolis ah oo aad u badan ayaa roondo ka samaynaya xaafadaha lagu tuhmayo inay rabshadaha laga soo abaabulayo si looga hor-taggo wax amaanka dhibaateeya. 


Gabiley News Desk 
Hargeysa

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: