Muraaqibiintii Xisbiga Ucid oo mudaharaad shiida ooda uga qaadey Xarunta dhexe iyo waxay tabanayeen
Muraaqibiintii Xisbiga Ucid oo mudaharaad shiida ooda uga qaadey Xarunta dhexe iyo waxay tabanayeen
Hargeisa-(Qaran-news)- Raxan ka mid ah hawl-wadeenadii ama muraaqibiintii xisbiga Ucid u soo xushay ilaalinta goobihii codbixinta ee Caasimada Hargeysa ayaa Mudaharaad la hortegay Xarunta Dhexe ee xisbiga Ucid oo ku yaala xaafada Shacabka ee Galbeedka Hargeysa maanta.
Muraaqibiintan mudaharaadeysay oo u badnaa dhalinyaro oo qaarkood la soo xidhiidheen warfidiyeenada Shebekada Qarannews ayaa ku tiraabay in laga meermeerinaayo amaba ay masuuliyiinta Xisbiga Ucid ee dirsadey ee ay u shaqeynayeen ka la’ yihiin Gunadii ay ku shaqeynayeen maalintii codbixinta doorashada oo qof kasta loo balanqaadey lacag dhan $40 balse ilaa hadda ka maqan, cid alaale iyo ciday u raacana aanay garaneyn maadabaaba siday noo xaqiijiyeen masuuliyiinta Ucid ee hawlahan la waday telefoonadii ka xidheen!.
Shebekada Qarannews oo isku dayday inay xidhiidh xagga Telefoonka la sameyso Xoghaya Guud ee Ucid iyo dhawr masuul oo kale ayey si iskumida Telefoonadooda qaban waayeen ,inkastoo dhawr jeer oo aanu ku celcelinay Xogahaya Guud ee Ucid Telefoonkiisa gacantu xidhnaa!.
Qarannews
Hargeisa
No comments:
Post a Comment