01 December, 2012

AWDAL: KULAN DHINACA AQBALAADHA NATIIJADA DOORASHADA AH OO AY WADAJIR U YEESHEN M/GOBOLKA, SALAADIINTA DHAQANKA IYO MADAXDA U/AXSAABTA SIYAASADA

AWDAL: KULAN DHINACA AQBALAADHA NATIIJADA DOORASHADA AH OO AY WADAJIR U YEESHEN M/GOBOLKA, SALAADIINTA DHAQANKA IYO MADAXDA U/AXSAABTA SIYAASADA

BORAMA(CNN) Kulan sharafeedkan oo uu soo qaban qaabiyay Badhasaabka G/Awdal waxa uu kulmiyay salaadiinta waawayn ee dhaqanka, Maamulka G/Awdal

iyo madaxda xisbiyada iyo urursiyaasadeedyadii tartamay, waxana ay ujeedadiisu ahayd laba arimood oo ay mida koowaad tahay in laga mahadnaqo dadaalkii ay garabyadan la casuumay ka gayseen nabad u qabsoomidii doorashooyinka, mida labaadna waxa ay ahayd in iyada oo nabada saldhig laga dhiganayo laguqabco natiijada doorashada.

Badhasaabka Awdal Axmed xadi Sidci waxa uu u mahadnaqay, komishanka doorashooyinka, qurbojoogta, odayaasha dhaqanka, axsaabta iyo urur siyaasadeedyada iyo xukuumada, waxana uu uga mahadnaqay sidii diiranayd ee nabadgalayada ahayd ee ay uga qayb qaateen doorashoyinkii 28ka bishan.

Waxa kale oo uu badhasaab Xadi la hadlay xisbiyada iyo ururada tartamaya waxana uu yidhi “ Waxa aan idin leeyahay dhamaantii sidii hore ee aad yeesheen si lamid ah yeela, waxa aan idinku buurinayaa inaad natiijada aqbashaan, waxa aan idinleeyahay dhamaanteenba waxaaan nahay kuwo guulaystay”.

Sul. Ibraahim Dacar Yuusuf oo isaguna ka hadlay halkaasi ayaa yidhi “ Waxaan idin leenahay umada aad masiirkiina siyaasadeed u soo gudbiseen si wanaagsan ka yeela oo aqbala natiijada, kursigana ku fariisat dalkoo nabad ah dadkoo nabad ah”.

Sul. Saleebaan Cali oo isaguna ka hadlay madashan ayaa si adag u difaacay nabadgalyada waxana uu xusay inay muqadas tahay waxana isaga oo la hadlaya xisbiyada guul daraysan doona uu yidhi “ waxaan la hadalayaa kuwa dhacay, waxa aan leeyahay hore waxaad u saxeexdeen xeer aad ogtihiin in tartanku yahay hal dheeri, waxa aan idin leeyahay shacabka waad hawl galiseen, waxaana la idiin codeeyay, hadii aad ku guul daraysataan waxa aad ogsoonaataan inaad ku qanacdaan natiijadii aad saxeexdeen, hadii aad ku qanci waydaan ogaada oo ogaada anaguna waan idinla soconaa, waxaanan idin leenahay dadkii aad hore bacadka u taagteen maanta dab ha sudhina oo qiri ha u dhiibina, nabada guudna cid carqaladayn karyaa ma jirto.

Sul. Ibraahim Jaamac Samatar, Sul. Cabiraxmaan Jaamac Dhawal iyo Sul. Xasan Xadi Baade oo iyaguna hadalka ka daba qaatay ayaa si balaadhan uga hadalay nabadgalyada, waxana ay shacabka ugu hambalyeeyeen sidii wanaagsanayd ee ay uga soo gudbeen marxaladii xodaynta, waxana ay ururda iyo axsaabta siyaasada, xildhibaanada tartamayay iyo taageerayaashoodaba ku booriyeen inay aqbalaan natiijada doorashada taasi oo ay sheegeen inay danta guud iyo masiirka umadaniba ku jirto”.

Madaxda 5 urursiyaaadeed iyo xisbi qaran ee G/Awdal oo iyaguna ka hadlay madashan ayaa waxa uu hoosta ka xariiqeen in ay aqbalsan yihiin natiijo walba oo ka soo baxda kulankaasi isla markaana ay tani tahay mid ay hore ugu baaqeen madaxda sare ee Axsaabta iyo Ururadan, maantana ay taasi sii adkaynayaan leeyihiina waan aqbalsanahay.

Cabdale cali yusuf caynabanews borama
http://samotalis.blogspot.com/

No comments: