03 December, 2012

Natiijada Rasmiga ee codadka la tiriyey ee Boorama iyo sida Axsaabtu Kuraasta u kala heleen


Natiijada Rasmiga ee codadka la tiriyey ee Boorama iyo sida Axsaabtu Kuraasta u kala heleen

Natiijo hordhaca oo ka soo baxday Codadka la tiriyey ee Boorama iyo sida Axsaabtu Kuraasta u kala Hantiyeen

Boorama- Tirintii iyo hubintii codadka Boorama oo 24-kii saacadood oo ugu danbaysay cakirayd ka dib markii muran qara-weyni dhexmaray komishinka doorashooyinka iyo qaar ka mida Axsaabta ku tartamaysay doorashooyinka degaanka ayaa la soo gebagebeeyay.

Xogaha Warfidiyeenada Qarannews ka soo ururiyeen Boorama ayaa tibaaxaaya in sanduuqyo Axsaabtu ku muransaneyd aakhirkii lagu heshiishey in la tiriyo ka dib markii Gudi farsamo oo ka socda Komishinka Dhexe Hargeysa looga soo diray si ay arintaas u soo afjaraan. Yeelkeede.Sanaaduuqdaas tirintoodii way soo idlaatey,codadkoodiina waxaa lagu daray natiijada Guud ee codadka ansaxey ee Boorama inkastoo Axsaabta qaar ka gaws adaygeen inay aqbalaan haddana xodxodasho badan awgeed mashruucaas waa laysla qaatey.


Isku soo wada duuboo waxaan halkan idiiinku soo gudbinaynaa natiijo hordhaca iyo codadkii la tiriyey ee Boorama iyo sida Asxaabtu u kala heleen codadka iyo Kuraasta .

Sidatan soo socota ayaana kuraasta loo kala nasiibsaday ama look ala haystaa:-

1-kaalinta Kowaad Xisbiga Kulmiye oo helay 7 Kursi

2-Kaalinta Labaadna ururka Wadani oo helay 4 Kursi

3-kaalinta Sadexaadna Xisbiga Ucid oo helay 3 Kursi

4-Kaalinta afraadna Ururka Umadda oo helay 3 Kursi

5-kaalinta Shanaadna Ururka Rays oo helay 2 kursi

6-Kaalinta Lixaadna ururka xaqsoor oo helay 1 Kursi

7-Kaalinta Todobaadna Ururka Dalsan ooHelay 1 Kursi


http://samotalis.blogspot.com/

No comments: