06 November, 2012

"Haddii Ay Caddaalad Daro Dhacdo, Madaxtooyadda Nabad Lagu Seexan Maayo"

"Haddii Ay Caddaalad Daro Dhacdo, Madaxtooyadda Nabad Lagu Seexan Maayo"
Faysal Cali Waraabe oo maanta khudbad u jeediyey Taageerayaasha Xisbiga UCID oo cududooda ku muujiyey Degmooyinka Caasimadda...........

Hargeysa (GNS) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ku baaqay inay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay ka hor-tagto caddaalad daro ka dhacda Tartanka Doorashada Goleyaasha Deegaanka. 

Faysal Cali Waraabe oo maanta khudbad u jeediyey Taageerayaasha Xisbiga UCID oo cududooda ku muujiyey Degmooyinka Caasimadda, ayaa sheegay inay Cadaalad-daro ay ka cabanayaan Beelaha darafyadda, taas oo uu tilmaamay haddii aan wax laga qaban tabashooyinkaasi ay caqabad ku noqonayso Xukuumadda. 


Faysal Cali Waraabe oo hadal ka jeediyay Isku soo bax ay sameeyeen taageerayaasha Mid ka mid ah Musharixiinta Hargeysa uga sharaxan xisbiga UCID, ayaa isaga oo ka hadlaya dadka aan Magaaladda Hargeysa u dhalan haddana u sharaxan golaheeda deegaanka ayaa yidhi “Waad og-tihiin maanta dad aan Hargeysa u dhalan ayaa ka sharaxan, inagu miyaynu Burco iyo Ceerigaabo ka sharaxanahay, maxay inoogu soo doonteen ardaageena, waxaan idin leeyahay ? ninkii codkiisa ardaa kale (meel kale) geeya waxaad ogaataan inuu idinka maqan yahay oo uu tiradiina ka go’an yahay” 

Faysal Cali Waraabe, waxa kale oo uu ka hadlay cabashada beelaha darafyadda Somaliland ay sheegeen inay ka tirsanayaan Xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo, waxaanu yidhi “Waad maqlayseen wixii ay ka hadlayeen beelaha galbeedku, horena waad u maqasheen beelaha barigu waxay ka hadlayeen, beelaha dhexe qudhooda guux-weynbaa ku jira, markaa haddii aan dalkan caddaalad lagu hagin oo aan qabyaalada iyo sharci darada laga joojin, anagu Xamar taggi mayno oo dal-baanu nahay, laakiin dawladda waxaanu leenahay haddii ay caddaalad daro dhacdo adikuna ladi maysid (Madaxweyne) oo Madaxtooyadda nabad lagu seexan maayo oo dadku wuu kici doonaa” 

Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi "Wallaalayaal waxaad ogaataan saddex Guddoomiye urureed oo ah kuwii dhacay, Damal, Gurmad iyo inantii Foosiya intuba Xamar-bay ka daggeen waxayna tirsanayaan Caddaalad daro, haddii caddaalad daro la sameeyo wax qaran dumis ah laguma jawaabo oo wax kale ayaa la sameeyaa, haddii maamulka Siilaanyo I kharibay Somaliland-baan burburinayaa, dalka godob lagama gallo, sharaf dhac iyo magac xumo ayay inagu tahay, aad iyo aad ayaan uga tacsiyadeynayaa arintaa shacabka Somaliland” 


Gabiley News Desk 
Hargeysa 

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: