The Office of
Somaliland Presidential Advisor on:
Economy, Commerce, and Investments.
Mr. Ahmed Hassan Arwo
002522 409 64 21
OGEYSIIS
KA YIMID LA-TALIYAHA MADAXWEYNAHA EE DHAQAALAHA, GANACSIGA IYO MAALGASHIGA
MUDANE AXMED XASAN CARWO KUNA SOCDA ARDAYDA JAAMACADAHA SOOMALILAND
Xafiiska La-taliayaha Madaxweynaha ee
Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga Mudane Axmed Xasan Carwo waxuu u soo
bandhigayaa dhalinta ardayda jaamacadaha dalka tartan qoraal oo ah:
Iyadoo ay bil ka hadhay muddadii sanad
guurada labaad ee xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo dalka ka talinaysay,
waxa habboon inaynu helno qoraalo madax banaan oo qiimeyn cilmiyeysan ku
sameeya waxtarkii iyo guushii ay ka gaadhay horumarinta dalka debed iyo gudaba
iyo meelaha ay ka jirto dabacsanaantu.
Waxa
laga doonayaa tartamayaasha sidan:
1.
Qoraal qiimeyn ah guusha ay xukuumaddu gaadhay, taas oo ay rayi
madaxbanaan iyo aragtida dadweynaha ku saleeyaan.
2.
Qayb qoraalka ka mid ah oo ay ku tilmaamaan meelaha dhaliishu ka
jirto, iyagoo dhinac dhigaaya sida taas wax looga qaban karo.
3.
Talooyin iyo tilmaamo hore leh iyo meelaha ugu haboon ee ay tahay in
wax laga qabto siiba horumarinta bulsho tacliin, siyaasad, dhaqaale, shaqo
abuur, ganacsi iyo cadaalad ahaanba seddexda sano ee muddadii xukuumaddan uga
hadhsan .
4.
Qoraalku waa inaanu ka yaraan 5.000 kana badnaan 10.000 (Erey)
5.
Qoraalka waa in lagu soo gudbiyaa email ahaan ugu dambayn 10 July
2012
1.
Waa inuu ardaygu soo qoraa magaciisa oo seddexan, madada, fasalka
iyo jaamacadda uu dhigto.
Waxa
loo qaban doonaa dhammaan tartamayaasha xaflad lagu abaalmariyo oo la
gudoonsiiyo shahaadad ka soo qaybgalka ah iyo shanta ugu wacan oo la siiyo shahaadad sharaf iyo baadifad
qiimo leh. Sidoo kale qoraalada la xulo waxaa lagu soo daabici doonaa wargeyska
DAWAN.
Ku
soo haagji qoraalkaakag eci.advisor@gmail.com
Axmed
Xasan Carwo
La-taliayaha
Madaxweynha ee Dhaqaalaha, Ganacsiga,iyo Maalgashiga


No comments:
Post a Comment