06 November, 2012

Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan oo ka hadlay maanta xilka culus ee loo cumaamaday Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan

Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan  oo ka hadlay maanta xilka culus ee loo cumaamaday Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan

Saleeban Gaal oo ka fikir duwanaadey raxan wasiiro xukumada Silanyo oo ka hadlay xilka Foosiya loo magacaabay.

Hargeisa-- Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan  oo ka hadlay maanta xilka culus ee loo cumaamaday Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan oo ah Ra’iisal wasaare ku xigeenka iyo wasiirka arimaha debeda Somaliya ayaa ku sifeeyey ama ku tilmaamay Foosiya Denbiile Qaran.

Saleebaan  wuxuu ku hanjabay in wasiir Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan la marsiin doono Sharciga iyo halka la marsiiyey kuwii iyada ka horeeyay ee xilalka ka qabtay ama ka doontay Somaliya,waana denbiile qaran ayuu raaciyey oo wixii sharciga inooga yaala ayaa la marin doonaa, waayo ayuu yidhi waxay meel kaga dhacday madaxbanaanidii iyo jiritaanka Somaliland.

Saleebaan  ayaa ka aragti iyo fikrad duwanaadey raxan siyaasiyiin iyo wasiiro ka tirsan xukumada Siilanyo oo dhamaantood si isku dhow uga hadlay qadiyadaa wasiir Foosiya Yuusuf X,Adan ,intooda badanina sheegeen inaanu waxba yeelayn xilkaa loo magacaabay jiritaanka iyo madax banaanida Somaliland ,waxbana iska bedelayn wadahadaladii Somaliya iyo Somaliland ee taagnaa ama hakaday,halkoodiina laga sii anbaqaadi doono.

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: