Wasiirka Kalluumaysiga Somaliland Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire) ayaa ka hadlay aragtidiisa..........
Hargeysa (GNS) - Wasiirka Kalluumaysiga Somaliland Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire) ayaa ka hadlay aragtidiisa ku aadan Xilka Wasiirka Arrimaha dibada iyo Raysal-wasaare ku xigeenka Somaaliya ee loo magacaabay Marwo Foosiya Yuusuf X. Aadan Qabile oo ka soo jeedda Somaliland.
Wasiirka Kalluumaysiga Cabdilaahi-geeljire oo maanta Waraysi siiyey Idaacadda BBC-da Laanteedda Afka Soomaaliga ah, ayaa sheegay in Xilkan loo magacaabay Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan ay hore u soo mareen Siyaasiyiin u dhashay Somaliland.
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Foosiya Somaliland way u dhalatay, xagaasna (Soomaaliya) way u dhaxday. Markaa wax cusub ma aha xilkan loo magacaabay waxa hore u soo maray Wasiirka Khaarajiga Cismaan Jaamac (Kalluun), Maxamed Cabdilaahi Oomaar, Ismaaciil Buubaa iyo Xuseen Carab Ciise oo u dambeeyay oo isku ahaa Wasiirka Gaashaan-dhiga iyo Raysal-wasaare Ku xigeen. Dawladdan la magacaabay waa mid u gaar ah Soomalia, anagana Somaliland ayaanu nahay. anagu mar walba waanu sugaynaa waxay dhistaan si aanu ula xidhiidhno oo ula hadalno
Wasiirka Kalluumaysigu waxa uu intaas ku daray "Wax Allaale iyo wax iska bedalayaa ma jiro wada hadalkii u dhaxeeyay labada dal. waa wax caalamkana aanu ka balan qaadnay, dadkayagana ugu balan qaadnay oo aanu u aragno dantayadduna ku jirto.”
Wasiir Geel-jire oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Sidii ay u hadashay iyo halkay istaagtay Foosiya ma aanu diidin. Wada hadalada xukuumad ayaanu la galaynaa. Kuwa aanu diidanay waxa weeye qaar gobolo Somaliland ka mid ah ka soo jeeda, balse aan wax xilal ah ka haynin Soomaaliya. Shuruuc baa Somaliland ka taalla qofka Somalia taga ee siyaasadeeda ka qeyb gala laga qaadayo. laakiin waxa cad in qofka ka qeyb gala Soomaaliya halkan imaatinkiisu ma bannaana.”
Gabiley News Desk
Hargeysa
No comments:
Post a Comment